Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ashom on May 14, 2017, 02:46:54 PM

Title: Su'aal: Barar iyo dufan?
Post by: Ashom on May 14, 2017, 02:46:54 PM
 1: waxaa jiro  waxyaabo kulul sida masaajada xabatu soowdada  oo barar ka ba'sho
 2: waxaa jiro waxyaaba dufan ka guba sida suuman ka korontada  ama kareemo

1:waxyaabaha barar ka ba'sho  oo ana kulel ka aheeyn markii la marsho   maxaa ka mid ah? (1)
 2: waxyaabaha xeeyrta ama dufan ka jirka ku jira firaar sha ama dhalaal sha markii la marsho waa maxaay (2)

 dabiica iyo kareem intaba... thank you
Title: Re: Su'aal: Barar iyo dufan?
Post by: SomaliDoc on November 19, 2017, 10:01:00 AM
Laba arrin ayaad isku qaldaysaa, bararka jirka korkiisa ku samaysma markay qof jug gaarto ama wax uu dhibsado waa calaamad lagu garto jawaab celinta jirka markuu hur ama balbal la kulmo "Inflammation", taasi waxyaabo badan ayaa dajiyo oo ay ka mid yihiin daawooyin iyo waxyaabo dabiici ah sida saliidaha qaar aad xustay, qasabne maahan in saliiddu ay kulushahay.

Dufanta jirka gudihiisa ku jirto si loo baab'iyo ama loo milo waa inuu qofka jimicsi sameeyo si dabiici ah ayay markaas u firaarmaysaa, laakiin daawo jirka la mariyay ama daawo la qaatay waxba badali mayso waa waxyaabaha dadka lagu khiyaano, lacago badanne looga qaato, xittaa suunka aad sheegtay wax caafimaad ah sax maahan, dhibaatooyin badan ayaana laga qaadaa, waana dhowr nuuc, horay ayaana uga hadlay ee akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3110.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3110.0.html)