Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Deeqcali on November 01, 2011, 03:09:50 PM

Title: Su'aal: marka uu hargab ku dhaco oo uu qufaco waxaa dheecaan ka yimaado dhagta bidixda ah?
Post by: Deeqcali on November 01, 2011, 03:09:50 PM
Asc wr bacda salaam waxaan dhaqaatirteyna sharafta leh weydiinayaa waxaa jira wiil aan dhalay oo 7sano jir ah waxan marar badan ku arkay marka uu hargab ku dhaco oo uu qufaco waxaa dheecaan ka yimaado dhagta bidixda ah dhecankaso sabab u ah marka uu qufaco wax xanuun ahna kuma heyso dhagta waxogaa cuncun ah mooyee teeda kale elergikona waa uu qabyaa marka waxan idinka codsanayaa inaad iga caawisaan waxa sababa marka u qufaco dheecanka ka imaanayo xiliga hargabku ku dhaco waana dhagta bidix wabillaahi towfiiq allow dad caafimad qaba aamiin
Title: Re: Su'aal: marka uu hargab ku dhaco oo uu qufaco waxaa dheecaan ka yimaado dhagta bidixda ah?
Post by: SomaliDoc on November 01, 2011, 07:58:14 PM
Infekshanka dhegta waxaa loo yaqaannaa Otitis Media.
Hurgunkaan waxaa sababa marka dheecaan ka yimid dhegtaadu uu meesha ku xannibmo.
Tani waxay dhici kartaa marka aad qabto hergeb, sanboor ama ifilo.
Dheecaanku wuxuu bakteeriyada u oggolaadaa iney kobocdo ayna cadaadis dul dhigto sagxadda dhegtaada.

Calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah:
• Xanuun
• Qandho
• Dheecaan soo burqada
• Maqal la’aan

Daryeelkaaga
• Takhtarkaaga ayaa eegi doona dhegahaaga wuxuuna ka weydiin doonaa calaamadaha aad isku aragtay.
• Daawo Antibiyootik ah ayaa laga yaabaa in lagu faro. Daawooyinka oo dhan u qaado sida laguu faray.
• Waxna dhegta ha iska gelin oo ay ku jiraan dareere, daawo dhireed ama qoryaha afka suufka ku leh ilaa uu takhtarku sidaas ku faro. Waxay xannibi karaan kanaalka dhegta, iyagoo sababaya maqal la’aan ama dhaawac.

Isla markiiba la xiriir takhtarka haddii aad dareemeyso:
• Xanuun
• Qandho
• Dheecaan soo burqanaya oo ka sii daraya
• Maqal la’aan