Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Shuuriye on May 17, 2011, 07:04:06 PM

Title: Su'aal: Cabeeb labadii biloodba mar ayuu carabka iiga soo baxaa?
Post by: Shuuriye on May 17, 2011, 07:04:06 PM
A S C WALAAL WAXAA  MUDDO BADAN IGUSOONOQNOQDO  CABEEB  MARBA MEELGOONI AH AYUU IIGASOOBAXAA OO AFKA GUDIHIISA AH. HADA  LABADDII BILOODBA MAR AYUU CARABKA IIGASOOBAXAA KASOO XANUUNBADAN IGUHAYO. DHAQTARKA IN BADAN AYAAN USHEEGTAY HALMAR AYEEY BOOMAATO LOOYAQAAN BANGELA AYEEY IIQOREEN WAX AYTAREEYSAANA MAJIRTO.            
MUDO LABAATANSANO KABADANA WUU IHAYAA XANUUNKAN. EE BALTALO WALAALNIMO KEENA WASALAAMA CALEEYKUM.
Title: Re: Su'aal: Cabeeb labadii biloodba mar ayuu carabka iiga soo baxaa?
Post by: SomaliDoc on May 19, 2011, 08:43:10 PM
Cudurka cabeebka waxaa keeno fangas, waana cudur fudud oo la daaweyn karo laakiin haddii uu soo laalaabto sida aad ka cabanayso waxay calaamad u noqon kartaa in difaaca jirkaaga uu hooseeyo sidaa darteed waa in aad takhtar u tagtaa si laguu baaro, loona ogaado waxa difaaca jirkaaga hoos u dhigay.

Midda kale bamaato la yiraahdo "Bangela" horay u ma maqal ee noo soo sheega mgaceeda saxda ah oo aan magac ganacsi ahayn.