Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Haweenka => Topic started by: Waxbaro! on July 17, 2009, 11:13:50 PM

Title: Wallac (Lalabo iyo Matag Xilliga Uurka)
Post by: Waxbaro! on July 17, 2009, 11:13:50 PM
Qodobadan soo socda waxay kaala talinayaan sidii lalabada iyo matagu kaaga khafiifi lahaayeen.
• Intaadan Sariirta tegin
1. Ku nagow qol hawo nadiifa leh; urta dharka wasaqdaa iyo urta kale ee qolka aad seexatid kasoo baxaya waxay keenaysaa caloosha oo ku rogmata. Fur daaqadaha qolka ama daar maraxawad inta aad hurudid.
2. Dharka dabacsan waxay ka hor tagayaan cadaadis deeraata calooshaa'.
3. Ku soo dhawayso sariirta siiriyal qallalan ama buskud.

• Intaadan Sariirta ka soo kicin subaxdii
1. Ku nagow sariirta waxogaa daqiiqada ah intaan aad kicin.
2. Cun waxoogaa siiriyal ah ama buskud qallalan intaad willi sariirta saarantahay

• Marka aad sare-kacaysid
1. Aayar usare-kac (5 ilaa 6 daqiiqadood). Ka taxadar degdegga markaa sariirta kasoo kacaysid.
2. Iskuday in aad cuntid waxoogaa dheeraad ah oo siiriyaal qallalan ah ama toast intaadan quraacda karsan.

• Wakhtiyada Cuntada
1. Cun cunto yar dhowr jeer (4 ilaa 6 jeer maalintii) tijaabi si aad uga hortagtid caloosha oo aad, aad u buuxsato iyo caloshoo marnaata wakhti dheer.
2. Aayar wax u cun inyar oo cunto ah markiiba ha ku dhacdo caloosha.
3. Si fiican u calali cuntada si ay caloosha ugu fududaato. Taasi waxay yaraynaysaa cabsida calooshoo ku kacda.
4. Cuntada dufanka leh inbadan bay caloosha kusii jirtaa, ibadanna way qaadataa sidii ay u yaryarayn lahayd iyo sidii jirka ay u gali lahayd. Tan kale, cuntada naqaska abuura sida digirta, cabitaanka macaan, iyo xanjo calalinta waxay beeraan dibiraad iyo culays.
5. Biyo cab ugu yaraan saacad ka hor ama saacad ka dib raashinka si aad uga hortagtid dibiraada iyo culayska . (cabitaan sinjibiil ah) iyo 7-Up (nooc cabitaan macaan ah) iyo cola (kookaha) iyo lemonade-ka way kaa caawin karaan marka calooshu kugu kacdo. Bunka ama qaxwuhu wuxuu wadan karaa caraf awood badan leh oo matag kugu kicin kara.
6. Si joogto ah u cab biyaha si aad uga hortagtid jirka oo biyuhu ka idlaadaan. Talo ahaan waxaa fiican qiyaas ah 64 rodol (sideed 8-rodol maalintii).
7. Cunto cusbo leh cun sida buskud qallalan iyo pretzels iyo faxfax ama maraq la soo habgareeyay ama cunto aan la karin sida liinta iyo lemonade-ka si ay kaaga kala yareeyaan matagga. Carafka qorfuhu iyo sinjibiil wuxuu xitaa kaa yarayn karaa lalabada ama yalaalugada.
8. Cun wax qabow ee qabowga qorka ah iyo/ama cunto qallalan sida buskudka qallalan/rooti ama furin duban iyo ayskiriimka barafka ah/gelatin kuwaas oo wata caraf aan dhib lahayn iyagoo kaa caawinaya matagga.
9. Cun cunto qabow oo leh protein iyo nafaqo. Shaqsiyan cuntadaasi ma wadato caraf awoodleh. Talo ahaan waxa ka mid ah hilibka qabow, sandwiches-ka, burcadka lawska ah, burcadka xoolaha, caano goroor ama ciir, ukunta, iyo burcadka cheese-ka ah.
10. Wax calalsho waqtiyada cuntada u kala dhexeeya. Wax nafoqo leh oo aad calashan kartid waa kuwa hoosta ku qoran.
11. Ha jiifsan markaad cunto cuntada kadib ugu yaraan laba saacadood si aad uga hortagtid dhib iyo cuntadoo kaa kala dagi wayda.

• Cunto diyaarsi
1. Qof ha kuu sii kariyo cuntada inta aad guriga ka maqantahay; ka fikir in aad waxoogaa iska soo lugeysid.
2. Ka faa’iidayso waqtiga aad cuntada karsanaysid. Ka fikir sidii raashin badan aad u karsan lahayd kadibna qaboojiyaha aad u gelin lahayd si aad u cuntid maalmaha wax kariska aadan u jeedin.
3. Cun cunto diyaarsan oo aad qaboojiyaha ka soo saartay markaana si fudud aad u diirin karto.

• Talo Cunto
Waxaa kamid ah:
- Rooti ama furin duban - Burcadka cheese ah ee dufanku ku yaryahay
- Buskud qallalan - Burcadka lawska
- Pretzels - Khudrad diyaar ah ama gasac ku jirta (muus)
- Cabitaan Orange ah - Khudaar
- Lemonade (liin dhanaan) - Ayskiriim qabow
- Hilib baruurtu ku yartahay
- Beer ama ukun - Burcadka cottage cheese ah
- Caano - Caano goroor ama ciir ah
Yaree ama iskadaa:
- Cunto la xawaasheeyay (toon, basal, filfil, chili)
- Cunto naqas la socdo (cabbage, broccoli, Brussels sprouts, collard greens, basal, turnips, radishes, cucumbers, dried beans)
- Dufanka (burcad, margarine, gravy, saliid, mayonnaise, saladhka waxyaabaha dusha laga mariyo, pie crusts, pastries)
- Cunto dufan leh (cuntada duban, cuntada dufanka leh ama saliid lagu kariyay, hilibka baruurta leh)
Title: Re: Wallac (Lalabo iyo Matag Xilliga Uurka)
Post by: Muna O.Hamari on May 24, 2011, 11:42:29 AM
Asalamu Aliekum Doctors

Maxaa Keena Wallac ???

Markaa Su,aasheyda Sii Cadeeyo Waxaan Ka Maqalanaa Dadkeena Waa Weyn  Waxay Ku Xirantahay Ninka Sprem diisa Oo waxay Na Leeyihin Tusaale Ahaan:-
1)Gabdhii Nin Hore Bey Caruur U dhashay Mana Aysan Walici Jirin Un dhashay 4 Caruur ah .
2)Gabdhii Ninka Hore Kala Taageeey Waxay Guursatay Muddo Ka Dib Nin Kale Waxay Bilawdey Walacsi U  Gaarrsiiyo In ay Miyir Doorsoon Ku dhoco.


Marka I Need Clear Infromation Haddi Ay Jiraan Arrintaasi  Haddi Ay Tahay Arrin Cafimaadku Ka Jaawbi Karaab Ama Sheeko Somali

Thanks
Doctor
Title: Re: Wallac (Lalabo iyo Matag Xilliga Uurka)
Post by: Waxbaro! on June 03, 2011, 08:00:41 PM
Arintaasi wax caafimaad ahaan jiro maahan ee halkaan ka akhriso waxa loo malaynayo in ay wallaca keenaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,200.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,200.0.html)
Title: Re: Wallac (Lalabo iyo Matag Xilliga Uurka)
Post by: Aamino on January 25, 2015, 12:17:02 AM
Waxan raba in la iga jawabo arin la xidhidha walaca oo an walac sax ahna ahayn waxan kawad marka ay dhiga cadadu igu dhici raba isbuc ka hor inta anu iman waxan daremaya  sida walaca oo kale wan lalaboda cuntadu way i urta wan dhaxamoda  sida dhigi inu ihayo oo kale ayey  macdantu ixanunta  wan adigu siwalba oo an daremi jiray markan walaca ahaan jiray ayan darema  nasaha way so bararan sidan u malaynayo inan ur qaday ayu dhigi igayimada maxakena bal halayga jahil bixiyo waxan ahay hoyo laba cunug dhashay    ma hormonada ayey wax ka qaldan yihin mise wa wax iska cadiya   waxanan qaba tayrod ka hooseya wanan qata dawada si sax ah marka layga cabirona waa ok ayey igy dhahan dhakhatirtu  wad mahadsantihin
Title: Re: Wallac (Lalabo iyo Matag Xilliga Uurka)
Post by: SomaliDoc on January 25, 2015, 12:08:48 PM
In calaamdihii lagu yaqaanay Wallaca aad dareentid xilliga caadada ay ku soo hayso waa arrin dhacda oo dabiici ah.
Haween kasto ma ahan in ay dareento calaamadaha aad tilmaantay waan lagu kala duwan yahay.
Usbuuc ka hor illaa xilliga ay caadada imaanayso haweenka qaar waxay dareemaan lalabo, cunnada oo u soo urta, naasaha oo bararo ama danqado, kacsanaan, xanaaq ama walwal, culees miskaha ah, wareer iyo wadna garaac.
Xaaladaan caafimaad ahaan waxaa loo yaqaanaa Xanuunka ka horreeya caadada "Premenstrual Syndrome", ma ahan cudur ama cillad adiga kuu gooni ah ee waa arrin si dabiici ah ugu dhacda haweenka qaar.
Waxay xiriir la leedahay isbadallada hormoonada ku dhacayo jirka ee ma ahan in qalad ama jahwareer hormoonada kaaga jiraan.
Maadaama ay dabiici tahay muddada qofka haysane ay gaaban tahay, badanaa takhaatiirta daawo loogu talagalay ee lagu joojiyo arintaas ma qoraan, laakiin haddii aad u xanuunsan tahay, waa laga yaabaa in lagu siiyo daawooyin lalabada ka hortaga ama niyadda kuu dajiya.

waxaan rajaynayaa in aad fahantay.

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)