Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Khaalid Yusuf on February 01, 2015, 08:40:00 PM
-
Asc wan salaamayaa dhamaan dhaqaatiirta, salan kadib
waxa jira xaas aan qabo oo sadex jeer aan u aaday ayadoo joogta afrika itobiya laba bil ama sadex bil kama badneen intaan la joogo wax uur ah ma ii yeelan waan is baarnay waxaa nala dhahay waa dhali kartaan labadiinaba balse waxay aamin santahay in minkeedu qalooco sababtoo ah marka caadadu ku soo dhowdahay ama ay ku dhacdo waxaa xanuuna dhinaca bidix ee dhanka hoose ee caloosha dhakhtar ayan u geeyey hoosta ayuu ka fiiriyey asagoo adeegsanayo qalab computer ah waxuuna u sheegay in wax dhiba uusan ku arag dhiig iyo dheecaan na uu ka qaaday waxbana laguma sheegin minkeeduna ma qalooce ayuu dhahay ayada iyo dumar kale ayaa qaba in dhakhtarku ogaan karin in minku qalooco ee dumar wax farsameeya kuwaas ayaa ogaan kara markaa waxan dhaqaatiirta waydiinayaa dhaqtarka haysta qablabka casri ah ma ogaan karaa in minku qalooco? waan layaabay fakarka dumarkee waad mahadsantihiin.
-
Dhakhtarka wuu ku ogaan karaa hadduu isticmaalay qalabka computerka ee ultrasound-ka loo yaqaano kan kor laga saaro caloosha iyo midka gudaha la galiyo intaba.
Haddii inta baaritaankaas la sameeyay la yiri wax qallooco ma jiraan, waa sax, xaaskaagane waa in aad ku qancisaa in ay aaminto jawaabta baaritaanka dhakhtarka.
Midda kale, way jiraan haween badan oo soomaali ah oo aaminsan in aysan uur qaadi karin illaa in laga gubo wax ay ku sheegaan in minka afkiisa uu ka soo baxo, ama minka u diidan inuu tooso sidaasne ay uur ku qaadi karaan, markii alga gubo.
Taasi caafimaad ahaan sax maahan, qofka aaminsane way dhib badan tahay in baaritaan nooc kasta aad samayso in uu ku qanco, maxaa yeelay waxaa u sheekeynayo dumar kale oo dhahayo, heblaayo markii laga gubay ama la sacneeyay ayay uur qaaday adigane minkaaga in la gubo si uu u tooso ayuu u baahan yahay.
Marka waxaan ku dhihi lahaa, xaaskaaga sidaa uga dhaadhici lahayd arintaas kala hadal.