Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Siciid Isse on February 19, 2015, 02:44:51 PM

Title: Su'aal: Gacmaha ayaa i jareeyo?
Post by: Siciid Isse on February 19, 2015, 02:44:51 PM
Asc Dhamaan Dhakhaatiirta Iyo Akhristayaasha

Su'aasheydu Waxaa Waaye

 " Waxaan Ahey Ardey Dhigta Kuliyada Caafimaadka Wakhti Yar Ka hor ayaan ISku Arkey Gacma oo Ijareynaya Ama i Ruxmaya Amaba Soomalidu Utaqaan ,,,, LAnleelmo / lanleemo ; ,,,   Marka Waxaan idin waydiinayaa maxaa sababa , Maxaase Lagu Daweeyaa , Saameyn Ma igu yeelan kartaa Waxbarashadeyda iyo  waxaan hiigsanayo mustaqbalka oo Ah Dr " Mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Gacmaha ayaa i jareeyo?
Post by: SomaliDoc on February 21, 2015, 04:41:02 PM
Laleemada ama gacmaha oo ruxmo waxay calaamad u noqon kartaa dhowr xanuun, waana calaamad haddii la isku arko u baahan in takhtar lala xiriiro si loo ogaado waxa keeni karo iyo haddii la daaweyn karo.

Waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa "Tremor" wayna noocyo badan tahay laakiin waxaa loo kala qeybiyaa labo qeybood: 1- Mid dhaxal ah iyo 2- Mid laga qaado cudur yimid dhalashada ka dib.

Laleemada waa cillad ku timaado kontroolidda murqaha gacmaha, waxayna la xiriirtaa maskaxda, wayna kala darnaan kartaa, qaarkood waxaa la socdo ruxmid jirka qeyb ka mid ah sida madaxa IWM.

Waxyaabaha keeni karo way badan yihiin waxaana ka mid ah:
1- Jug maskaxda gaartay
2- Faalij (Stroke)
3- Xanuunka xasuusta lumiya ee Parkinson
4- Daawooyinka qaarkood sida daawooyinka loo qaato xanuunada maskaxda iyo kuwa kale.
5- Cabidda khamriga ama joojinteeda.
6- Ku sumoobidda maadada merkuriga.
7- Qanjirka thyroid-ka oo kacsan.
8- Howlgab beerka ah.
9- Sonkorta jirka oo dhacsan ama joogto u dhacdo.

Laleemada lagu dhasho oo laga dhaxlo waalidiintaada, way noocyo badan tahay iyada laftirkeeda, badanaane daawo ma lahan, laakiin waxaan kugula talin lahaa in aad takhtar xagga neerfaha la xiriirtid.

Midda kale haddii ay dhib kuu keeni karto ama waxbarashadaada iyo mustaqbalkaaga saameyn karto waxay ku xiran tahay heerka ay gaarsiisan tahay, waxa kuu keenay iyo haddii ay tahay nooca ka sii dara "Progressive".

Fadlan la xiriir takhtar sida ugu dhakhsiyaha badan, ha fududeysanin laleemada.

Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)