Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kaafi.A on December 07, 2016, 03:17:53 AM

Title: Su'aal: Waxan isku arkay xishood aanan weji siin karin?
Post by: Kaafi.A on December 07, 2016, 03:17:53 AM
Asc wr wb dhamaan doctorada isku xilqaantay in ay bulshada garab istaagaan tu guud iyo mid gaar ahaaneyd ba alle ha idiinku ziyaadiyo miizaanka xasanaadka,

Hadan sii gudo galo su.aasheyda doctor 1waxan isku arkay xishood aanan weji siin karin dadka oo dhan weliba anigoo jecel inan waqti la qaato bulshada intooda bdn hadane daqiiqad waqti lama qaadan karo waxana dareemayaa xishood iyo culeys bdn dhidid bdn waana dhibsanaayaa inaan meesha sii fadhiyo,
2 meelaha lagu qaxweeyo markaan tago waxan jeclahay inan keli gooni u baxo
Waxan jeclaan lahaa inaad talo iga siisaan waxan ka yeeli lahaa asc
Title: Re: Su'aal: Waxan isku arkay xishood aanan weji siin karin?
Post by: SomaliDoc on January 14, 2017, 03:34:45 PM
Haddii ay tahay cillad aad isku aragtay dhawaantaan, waxay u badan tahay in diiqad ama niyad jab ku hayo, akhriso qoraalkaan oo fikrad ka qaado waxa uu yahay xanuunkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=872.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=872.0)

Laakiin haddii sidaan dabcigaaga ahaa inta aad ka soo caqliyeysatay, waxaa ku haya cillad ka mid ah cilladaha shakhsiyadda ku dhaca, ee akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6876.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6876.0)
Title: Re: Su'aal: Waxan isku arkay xishood aanan weji siin karin?
Post by: Kaafi.A on January 15, 2017, 02:09:59 AM
Alxamdulillah callaa kuli xaal Dr. Mar 1aad mar 2aad intaba aad ayaan kaaga mahad celinaayaa faahfaahintaada dahabiga ah jizaakallahu