Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Canabcumar on August 12, 2015, 07:20:10 PM

Title: Su'aal: Baabasiirta miisaanka qofka ma dhimi karta?
Post by: Canabcumar on August 12, 2015, 07:20:10 PM
Asc su aashaydu waxay tahay baabasiirta qofka miisaankiisa ma dhimi kartaa ,matalan in qofka caato noqdo waxaan kaloo rabaa inlayga caawiyo magacda dawooyinkeeda saan qoraalka aad kaga hadasheen waxaa la qadan kartaa dhaqtar la aan mahadsanidin.
Title: Re: Su'aal: Baabasiirta miisaanka qofka ma dhimi karta?
Post by: SomaliDoc on August 15, 2015, 01:03:03 PM
Baabasiirtu ma keento miisaanka oo luma illaa in ay cilladi kale la socoto mooyee.
Midda kale baabasiirtu waxay leedahay heerar, waqti waxaa jira daawo uusan waxba ka tarin, waqti daawaba aan loo baahnayn iyo waqti qallin kaliya xalku noqon karo.

Waxaa kaloo jira in dadka badanaa ay baabsiirtu iyo xanuuno kale ikus qaldaan sida "Anal Fistula (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5618.msg15066.html#msg15066)", "Anal Fissure (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,891.msg3181.html#msg3181)" iyo cillado kale ee ku dhaca malawadka.

Sidaas awgeed waa muhiim in aad dhakhtar u tagtaa si loo ogaado in baabasiir ay tahay, haddii ay tahayne heerka ay marayso iyo xalka waxa uu noqon karo.
Haddii aad aaminsa tahay in ay baabasiir tahay, dhibwayne aysan kuugu hayn, taladaydu waa in aad caloosha si dabiici ah u socodsii oo aad ka fogaataa calool-istaagga.