Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on May 04, 2008, 06:46:58 PM

Title: Ogaansho iyo barasho u yeelo Kansar
Post by: SomaliDoc on May 04, 2008, 06:46:58 PM
(http://somalidoc.com/Topics/kansarka.png)

Qoraalkan waa tusaha calaamadaha soo shaac baxa ee ku saabsan xanuunka kansarka una baahan in loo fiirsado.

Isbadalo kaste ama calaamado aan cadi ahayn oo soo shaac baxaa , waxay astaan u noqon kartaan cudurka Kansarka. Sida xaqiiqda ah waxay calaamadahani ku bilaabmaan si aan xanuun badan lahayn, qaar koodna markiiba way qarsoomaan.

Haddii isbaladu ama calaamadahu muuqdaan muddo ka badan 2 Todobaad (weeks) oo aad raysan weydo fadlan la xiriir dhakhtarkaaga sida ugu dhakhsaha badan si laguu jeeg gareeyo

Ha sugin in aad xanuun dareento , maxaa yeelay sida badan marka Kanasarku bilowga yahay ma xanuun badna.

Iyada oo hore loo ogaado iyo daaweyn fiican oo la sameeyo waxay kordhisaa rajada xanuunka.

Fursadaha aad ku qaadi kartaa xanuunka kansarka way kordhaysaa haddii aad haysato waxyaabahab soo socda:


Calaamadaha Ku Haboon In Loo Fiirsado
Isbedel ku dhaca dabeecadaha saxaro mareenka ama kaadi mareenka: ka eeg oo u fiirso calool tag raagay, shuban, saxarada oo qiyaastiisu isbedesha, kaadida oo ku xanuunaysa muddo badan, taasoo markii la baaro la garan waayo sababta keento.

Xanuun aan bogsanayn meel jirkaaga ka mid ah ama afkaaga: Afka ka eeg nabar joogta ah, gaar ahaan haddii aad sigaarka cabto ,tubaako, ama aad cabto khamriga..Sidoo kale waxaad eegtaa in ay jirto calaamad ama ka soo baxyo aan tegayn oo waqti dheer jooga,ama wax dildilaac ah oo jirkaaga ka muuqda, boog ama ka soo bax debnaha (bishimaha) dushooda ama afka hoostiisa ka soo baxa kuwaas oo aan bogsanayne. Akhriso qoraal ku saabsan kansarka ku dhaca maqaarka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1383.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1383.0)

Dhiig aan cadi ahayn ama qoyaan socda: dhiig walamadka ka yimaad ama dhiig saxarada la socda (xaar madow), dhiig kaadida la socda ama ibta ka yimaada oo joogto ah..

Qaro weynaan ama ka soo bax aan caadi ahayn ama barrar, aad ku aragto meel ka mid ah jirkaaga: Ka eeg cad ka soo bax ah; nasahaaga, xiniiyahaaga iyo qanjidhadaada, kuwaas oo noqon kara cad wareegsan ama mid hoose oo qaro weyn ama barrar , ama dheecaamo ka yimaad meelo jirka ka mid ah ama isbedel aan caadi ahayn oo sida badan lama moodo cadadka ka soo baxa kuwo kansar sida kuwa loo yaqaan buro biyoodka "cysts"

Dheef Shiid xumo ama Liqid kari la'aan: U fiirso oo eeg in xanuun iyo liqid kari la'aan wixii adag iyo wixii dareere ihi ku dhibaayaan.

Isbedelo burooyin ah oo yimaada: U fiirso oo ka eeg burooyin cusub oo ka soo baxa jirka ama maqaarka korkiisa ama qaybo kale oo xubnahaaga ka mid ah.,isbedel kasta oo ku dhaca burooyinka.

Qufac xanuun badan ama dhiig la socda: Bal u fiirso in aad leedahay qufac xanuun badan markaad qufacayso ama wax dhiig ah kaa soo go'aayaan khaasatan haddii aad sigaarka cabtid.

Culayskaaga oo si aan la garanyn hoos ugu dhaca: u fiirso culays kaaga oo uu ku yimaado hoos u dhac weyn (si lama filaan ah) oo aan la garanayn wax keenay.Taas oo noqon karta qiyaastii 10 rodol.

Xumad iyo dhidid habeenkii yimaad: Eeg oo ufiirso cabirka heerkulka jirkaaga, haddii uu ka sareeyo 38 digrii oo santi geradh ah oo aad dareento xumad dhaaf una nuglaato xanuunnada sida hargab/duray soo noq noqda.

Daal ama Noog: U fiirso in aad leedahay daal ama noog joogta ah .

Xanuun: u fiirso in aad leedahay lafo xanuun xoog badan ama xanuun xoog badan oo aad ka dareento qaybaha kale jirkaaga.

Diirka ama maqaarka jirka oo isbedela: Eeg oo u fiirso isbedel ku yimaada midabka aragtida diirkaaga, kas oo noqon kara madow, dacar ama jaale , ama casaan amaba yeesha cun cun.

Madax xanuun: Eeg oo u fiirso madax xanuun ba'an kaas oo wata matag ka duwan kuawa cadiga ah kaas oo aan ka raysi lahayn markii la qaato daweyn mudooyin ah.

Akhristow ogow haddii aad isku aragtid astaamahaan kore inaysan macnaheedu ahayn in aad Kansar qabtid, laakiin waa ifafaalo looga shakkin karo cudurkaan, fadlan dhakhtarkaaga la xiriir haddii aad faahfaahin dheeraad ah u baahatid ama shakki uu jiro.

Xaqiiqada Kansarka
Dad aad u tiro badan ayaa ka badbaada cudurka kansarka in ka badan intii hore sababtuna waxaaa weeyi hore u ogaanta iyo daaweynta oo ka badalan sidii hore iyo ogaansho iyo barasho fiican oo loo yeesho kansarka iyo calaamadiiisa xilli hore.
Waxaa muhim ah in aad barato dhismaha jirkaaga si aad u ogaato wixii is bedel ah ee jirkaaga ku yimaadda . Haddii wax is bedel ihi ku yimaadaan jirkaaga la xiriir Dhakhtarkaaga, haddii isbedelkaasi socdo muddo ka badanthat 2 usbuuc.
Inta badan wuxuu ku dhacaa kansarku , dadka ka weyn 60 jirka , laakiin kuma wada dhaco.
Nooca kansaro tiro yar baa ku dhaca raga da’doodu ka yar tahay 35 jir, sida kansarka ku dhaca xiniin yaha. Kansarku wuxuu kaloo ku dhici karaa dadka yar yar ee da'doodu ka hoosayso 14 jir.
Waxaa jira in ka badan 200 oo kansaro kala duwan ah kuwaas oo muujiya calaamado kala duwan.

Waano

KANSARKA SANBABADA (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1862.0.html)
KANSARKA NAASAHA (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1617.0.html)
KANSARKA MAQAARKA (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1383.0.html)
KANSARKA BOROSTAYTKA (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,749.0.html)
KANSARKA MINDHICIRRADA (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,418.0.html)
KANSARKA DHUUNTA (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5500.0)

Wixii faahfaahin iyo su'aalo dheeraad ah, iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)