Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cali Asaaro on March 28, 2015, 06:10:26 AM

Title: Su'aal: Socodka oo badalmo dhib ma keenaa?
Post by: Cali Asaaro on March 28, 2015, 06:10:26 AM
Asc wr wbr  aad aya u mahadsantihiin dhaqaatiirta somaliyeed.waxaan rabaa inaan idiin waydiiyo su,aal eh:  markaan soo qaan gaaraayay ayaan socodkaygi asalka ahaa iska badalay anigoo markaa ku badalay socod kale ,mudo ka dib waxaa lumay socodkaygii asalka ahaa  ilaa maanta waxaan ku socdaa skcod aan u dhalan marba saan doono ayaan socdaa socodkaygi hore waan hilmaamay  marka waxaan rabaa inaan ogaado socodkaas aan badakay ma dhib buu ii keenayaa tan labaad sidee ku soo ceshan karaa sicodkaygii aan u dhashtay? Tnks

Title: Re: Su'aal: Socodka oo badalmo dhib ma keenaa?
Post by: SomaliDoc on March 30, 2015, 03:55:46 PM
Socodka waxaa badali karo xanuun gaara lugaha, sinaha ama lafdhabarta.
Xanuun iyadoo jirin wuu badali karaa qofka, hadduu qof ku dayanayo ama uu xiiseynayo inuu socod gooni ah yeesho.
Socodkaas cusub inuu dhib kuu keeni karo waxay ku xiran taahay qaabka socodkaas uu noqday, hadduu culeys si qaldan u saarayo kalagoysyada lugaha, hadduu dhabarka la qallooco iyadane caafimaadka uma roono, haddii cagta sidii saxda ahayd ee loogu tala galay aysan dhulka u saarmaynin iyadane waxay dhaawac gaarsiisaa seedaha lugaha iyo cagta.

Marka si loo ogaado socodkaaga cusub dhibka uu kuu keeni karo heerka ay gaarsiisan tahay waa in aad la xiriirtaa dhakhtar oo socodkaaga la arko, kadib qaabka loo sixi karo, haddii ay tahay wax tababar murqaha u baahan in ay tahay iyo in aad jimicsi socodka lagu saxo laguu qori doono waa baaritaanka ka dib.