Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Dekab on December 23, 2015, 11:54:35 PM

Title: Su'aal: Markaan seexanayo waxaan tufaa Candhuuf?
Post by: Dekab on December 23, 2015, 11:54:35 PM
Asc

Salaan kadib, Dhakhtar waxaan kaa codsanayaa inaad igala taliso badanaa markaan seexanayo waxaan tufaa Candhuuf cad oo xumbo camal ah oo badan ilaa shan jeer ama ka badan maxaa sababaya maxaanse kula tacaali karaa. insha allaah jawaab wacan

mahadsanid

Dekab
Title: Re: Su'aal: Markaan seexanayo waxaan tufaa Candhuuf?
Post by: SomaliDoc on January 11, 2016, 03:39:20 PM
Candhuuftaas wax aan ahayn oo astaamo kale ma leedahay sida qufac, feero xanuun, dhaqaska oo ku dhibo ama qufac.
Ma leedahay xanuuno kale ama daawo aad qaadato ma jiraan? Misaankaaga iyo da'daadu waa imisa?
Fadlan ka soo jawaab su'aalahaas.
Title: Re: Su'aal: Markaan seexanayo waxaan tufaa Candhuuf?
Post by: Dekab on February 09, 2016, 08:46:47 PM
Asc, Dr Mahdi

Walaal wax qufac ah malihi mana lihi Feero xanuun, maya naqaska ima Dhibo, waxaan leeyahay infection Sanka oo aan ka wado sanka labadiisa dul oo mar mar naqaska i dhibo misana qolfo yeesho oo Sanka waxaa iga yimaada markaan xaaqsado Xaako jirmi wayn oo soo marta xaga hunguriga oo aan tufo shan ilaa lix jeer maalintii, jirooyin kale ma lihi oo aan hada kuu sheego, Note: waxaan Cabaa Sigaarka ku dar xisaabta dhakhtaroow.

Da'daydu waa 48 sano oo sinjiga waa Lab

Mahadsanid

Dekab
Title: Re: Su'aal: Markaan seexanayo waxaan tufaa Candhuuf?
Post by: Dekab on February 09, 2016, 10:51:29 PM
Asc, Dr Mahdi

Salaan kadib Dr Mahdi walaal waxaan si naxariis leh ku waydiinaya waxaan isku arkay xanuun markaan fadhiisto fadhiga oo i dhibaya badhida Salka oo i damqanaya ina huraysa ilaa muruqa miskaha u fidaya oo i huraya, xanuunkaas waxa uu u gudbay lugaha ilaa cirbaha iyo cagaha salkooda oo aad i huraya kulayl iyo hur oo soo saayidaya xiligaan waana labada lugoodba iyo badhida. waxaa intaa dheer canqawyada oo idamqanaya oo iyana i huraya weliba kolka surweelka adag xidhto sida Jiiniska oo kale oo canqawyada iga taabto, xanuunka waxa uu u daran yahay markaan fadhiisto iyo markaan habeenkii seexanayo.

Note: horay wax jabniin lafaha ama kala bax iguma dhicin, waxaan lahaan jirey Misigta lugta midig oo meesha laga duro ixanuuni jirtay ilaa yaraantaydii una malayn jirey cirbad si xun laygu muday, ma ahi Sports mana sameeyo aalaa jimicsi badanaa waxaan u badnahay Fadhi xafiis waqti dheer.
 
Da'dayda waa 48 sano
Miisaankayga waa 175kg
dhererka isna waa 1:75m

Mahadsanid

Dekab
 
Title: Re: Su'aal: Markaan seexanayo waxaan tufaa Candhuuf?
Post by: SomaliDoc on February 15, 2016, 04:00:03 PM
Haddii aadan astaamo kale lahayn oo la socdo candhuufta badan, wax dhib ah ma lahan sida ka muuqato, laakiin way haboon tahay in aad dhakhtar cudurrada guud la xiriirto si laguu wiisiteeyo laguuna baaro.

Haddii aan su'aashaada labaad u ugudbo:
Marka hore waa in aad sigaar cabista joojisaa.
Marka xigta waa in aad miisaanka yaraysaa oo aad jimicsi bilawdaa.

Intaa ka dib, xanuunka aad cirbaha iyo barida ka dareemaysid wuxuu noqon karaa wax murqaha iyo seedaha la xiriiro ama wax la xiriir cilald neerfo maadaama aad horayne u soo sheegtay in sinta lagaa heyn jiray.

Bal qoraalkaan ahkri oo ogow xanuunka neerfaha sinta iyo waxa la dareemo markuu lugaha u gudbo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4611.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4611.0.html)