Somali Medical Forums

Health Related Forums => Health News and Events => Topic started by: Admin on October 21, 2007, 08:00:35 PM

Title: Ogeysiis: Dadka Xajinaya Sanadkan
Post by: Admin on October 21, 2007, 08:00:35 PM
In ka badan 2 million oo qof oo ka kala yimid aduunka dacaladiisa ayaa la filayaa sanadkaan inay u soo xaj tagaan makkah ee wadanka sacuudi arabia.

Marka go'aan ay soo saartay hay'ada u qaabilsan xajka iyo xujaajta iyo wasaarada caafimaadka waxay u gaysiineysaa dhamaan dadka ku tala jira inay sanadkaan soo gaaraan dhulka barakeysan in looga baahanyahay inay iska soo talaalaan cudurka mininjaytis (Meningitis).

Taasoo xitaa dadka ka imaanaya wadamo qaarkood (Sida UK) hadii aysan wadan shahaadadaas cadeynaysa inuu iska soo talaalay cudurkaas aanan la siin doonin dal ku gal (Visa).

Shahaadadu waa inay 3 sano ka hor aysan soo bixin aysanne ka yareyn 10 maalmood mudada aad soo gaareysid saudi arabia.

Dadka waxaa lagu hubin doonaa eriboorada markii ay gaaraan saudi arabia.

Dadka doonaya inay soo cumreystaane wuu ku dabaqmayaa qaanunkan.

Dr.Mahdi
Title: Re: Ogeysiis: Dadka Xajinaya Sanadkan
Post by: Dr.Hersi on October 22, 2007, 09:33:30 PM
heloo all.
dr mahdi wad mahadsan tahay  macluumada aad somalida soo gaarsisay ee ah  talaalka meningtiska ee dadka xajinaya , balse waxaan jeclaan,laa in  aaad  galasid webabka aad somalidu akhriso ee siyasada iyo wararka,
tan kale iyo in aad u tilmaantid goobo ama xarumo lagu talalo somalia haddii ay jiran, madama aad somalia dhawan kuugu danbaysay ,,   

thanks all
dr hersi
Title: Re: Ogeysiis: Dadka Xajinaya Sanadkan
Post by: Admin on October 24, 2007, 01:37:11 AM
Salamu Alaikum dr hersi
walaal xarumaha la iskaga talaalayo cudurka mininjaytiska dadka sanadkan cumrada ama xajka ka aadaya wadanka war kama hayo lakin waxaa jira xaashi ku qoran afsomali looguna tala galay dadka sanadkan xajinaya inay aqristan, fikradne ka qataan cudurka, iyo talaalkaba. halkaan ka dajisan kartaa Mininjaytis (http://www.dh.gov.uk/prod_consum_dh/idcplg?IdcService=GET_FILE&dID=22353&Rendition=Web)

Waxaa soo diyaarisay NHS (National Health Services) ee UK.

Jawaabta ku saabsan su'aashaada waxaan jeclahay inaan ka helno dhakhaatiirta na soo booqata hadana joogo wadanka gudihiisa.

Regards
Dr.Mahdi