Somali Medical Forums

Health Related Forums => Health News and Events => Topic started by: Diagnostic on November 15, 2007, 01:48:17 AM

Title: HIV wuu ku gudbaa xubno beerida
Post by: Diagnostic on November 15, 2007, 01:48:17 AM
Waa markii ugu horeysay oo feyruuska dilaaga ah ee HIV uu ku gudbo xubnaha lagu beerayo dadka.

Afar qof oo xubno dad kale ay ugu deeqeen lagu beerayay ayaa cudurkaan HIV ka qaadeen isbitaal ku yaalo Chicago, waxaa kaloo ay qaadeen Feyruuska hebatitis C, taasoo ka dhigeyso markii ugu horeysay oo hal mar qof laba feyruus uu kala nooc ah uu ku qaado xubno beerid.

Waxaasa iiga yaab badneed markii aan ogaaday hey'adii ka bixineysay lacagta dadkaan xubnaha lagu beerayay in magaceeda uu ahaa "Gift of Hope".

Tani waxa ay ku tusinayaa, dabacsanaanta dhinaca baaritaanada lagu sameeyay dadkaan xubnaha laga qaaday.

Lakiin dhakhtar laga wareestay isbitaalka qaliinkaan lagu sameeyay waxa uu yiri: afar xubnood kaliya ayuu feyruuska ku gudbi karaa kuwaasoo kala ah: Kilyaha, Beerka, Wadnaha iyo Sanbabaha.

Xubno beerida waa arin caan ka ah mareykanka, sanadkaan gudihiisa waxaa xubno lagu beeray dad gaaraya 19,000.

Diagnostic