Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Tuuraq on January 26, 2011, 12:27:10 AM

Title: Su'aal: Waa maxay walaalayaal cudurka loo yaqaan infectionka xaglaha ama murqaha?
Post by: Tuuraq on January 26, 2011, 12:27:10 AM
Asc salan kadib ugu horeynti waxan umahad celinayaa dhaqatirta isku howleysa iney dadkoda wax uqabtan taas waxan rajeynnayaa iney tahay wajibkinii oo aad ka soobaxdeen .mida kale waxan jeclan lahaa inad ka hagar bixisan wixii alaah idin baray walal somaliyeed oo xanunsan igana codsaday inan dhibkisa idiin soo gudbiyo.wuxuu kacabanayaa walalka mudo kudhawad halsano ah  ka cabanayaa xanuun . Kaasi oo kahaya qoorta iyo dhabarka iyo murqaha kalagoysyada waxaa taas udheer koleyl asaga dhan ku furun  kaasi oo ay ugu sii darantahay inuu koleylkas ka daremayo kala goysyada dhabarka qoorta . Walalka dhaqtar ayuu tagay wuxuna ku yiri waxad qabtaa ifection ku dhaca murqaha dawo ayuu u qoray dawadii marka uu isticmalay waxba isagama garan bal waxa uu kasii qaday in beerka ay kaqabato. Marka walalka wuxuu codsanaya inuu talo inka helo .mahadsanidin. 
Title: Re: Su'aal: Waa maxay walaalayaal cudurka loo yaqaan infectionka xaglaha ama murqaha?
Post by: SomaliDoc on February 03, 2011, 05:47:42 PM
Walaal murqo xanuunka iyo xagla xanuunka maahan cudur ee waa calaamado ay keensan karaan cudurro badan oo kala duwan.
Haddii aad na siin kartid faahfaahin dheeraad way fiicnaan laheed marka aad akhrisatid qoraalladaan hoose oo ku saabsan murqo xanuunka iyo laabatooyin xanuunkaba.

Murqo xanuunka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1436.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1436.0)
Fibromyalgia: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2543.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2543.0)
Riixa: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2190.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2190.0)
Lafo-beelka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2132.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2132.0)
Xubno xanuunka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=403.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=403.0)
Dhabar xanuunka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=570.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=570.0)
Title: Re: Su'aal: Waa maxay walaalayaal cudurka loo yaqaan infectionka xaglaha ama murqaha?
Post by: Tuuraq on February 03, 2011, 09:21:38 PM
Asc walaalayal walalka wuxuu kacabanayaa xanuun calamadihisu ay sidanyihiin.
(1)Qoorta ayaad uxanuuneyso gaar ahaan margiyada.
(2) murqo xanuun iyo kala goysyo xanuun
(3) dhabar xanuun
(4) kuleyl uu kadareemayo lugaha cagaha' dhabarka. 'dhaqtar wuu tagay wuxuuna yiri waxaad qabtaa infection muscles .marka walalayal walalka wuxu rabaa inuu wax ka ogaado fikradna kahelo hadii uu jiro cudurka infectionka murqaha la yiraahdo mahadsanidiin.
 
Title: Re: Su'aal: Waa maxay walaalayaal cudurka loo yaqaan infectionka xaglaha ama murqaha?
Post by: SomaliDoc on February 05, 2011, 04:08:18 PM
Infakshanka ku dhaca murqaha way badanyihiin ee hal cudur maahan waxaad su'aashaada uga bogan kartaa qoraalladii aan horay kuu siiyay ee kala ahaa:

http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1436.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1436.0)
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2543.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2543.0)