Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Saado Ilkacase on February 28, 2016, 02:17:19 PM

Title: Caruurta Suulka Nuuga (Jaqa)
Post by: Saado Ilkacase on February 28, 2016, 02:17:19 PM
Assalaamu Calaykum
Dr. su'aasheydu waxay tahay: Ilmaha yar ee Suulka Nuuga xilliga la nuujinayo ma jiraan wax looga jari karo caadadaas?
F.G mararka qaar(habeen) waxaa dhacda inuu suulka kaga mashquulo Naaska oo sidaa uu ku dayacmo
Title: Re: Caruurta Suulka Nuuga (Jaqa)
Post by: SomaliDoc on March 06, 2016, 01:40:14 PM
(http://somalidoc.com/Topics/suul.png)

Suul nuugista waa caado ku badan caruurta, waalidkuna ay ku hayso welwel badan.

Maxay caruurtu u nuugaan suulka?
Caruurta markay yaryihiin ilaahay ayaa ku abuuray fel-celin nuugis, maadaama nuugista ay ku tiirsan tahay noloshooda si ay naaska u jaqaan, sidaas darteed waxay keentaa arrintaan in ay farahooda nuugaan ama jaqaan.
Maadaama naaska uu ilmaha siiyo daganaansho, farxad iyo cabsida oo ka yaraato, waxay ilmaha ku badashaan suulka markii ay gaajoodaan, hurdo ay hayso ama ay kacsan yihiin.
Haddii ilmuhu ku waynaadaan dabcigaas waxaa dhib noqdo in si sahlan looga gooyo.

Goormaa la rabaa in cunuga uu joojiyo suul nuugista?
Caruurta badanaa waxay ku joojiyaan da'da 2 sano illaa 4 sano inta u dhaxayso, haddii intaa kadib sii nuugaan, waxay badanaa ka go'aan markii iskuulka la geeyo cadaadis uga yimaado caruurta facood ah darteed.
Ogow waxaa dhici karta in cunuga hadduu joojiyo suul nuugista, uu ku laaban karo markuu welwelsan yahay ama cabsi hayso.

Goorma ayay waalidku la rabaa in ay wax ka qabtaan arrintaan?
Badanaa waxay dhakhaatiirtu sheegaan in suul-nuugista aysan dhib keenin illaa markii ilkaha joogtada ah soo baxaan mooyee, maxaayeelay ilkaha joogtada ah markii ay soo baxayaan, suulka la nuugayo wuxuu qalloociyaa ilkaha ama isdulsaaraa, sidaas darteed markuu cunuga gaaro 5 sano, waa in waalidku ka joojiyaa suul-nuugista.

Sidee looga gooyaa caruurta suul-nuugista?
Fadlan raac talooyinkaan hoose si raaxo leh ayuu cunugaaga suulka uga go'i doonaa:

Akhriso qoraal ku saabsan sida loo joojiyo dhareerka caruurta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6021.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6021.0.html)
Akhriso qoraal ku saabsan caruurta lugta laga xidho: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4049.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4049.0.html)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)