Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: Pharmacist on December 15, 2007, 04:23:03 PM

Title: Daawooyinka daroogo ahaanta loo isticmaalo
Post by: Pharmacist on December 15, 2007, 04:23:03 PM
Daawooyinkaan waxaa ka mid ah:

1- Dejiyaha (Depressants)

Sidee u shaqeeyaan daawooyinka dajiyaha (depressants)?
sida badan qofka kama dhigaan mid deggan. Balse, waxay saameeyaan xoogsaarista iyo miisaanaanta, waxayna hoos u dhigaan awoodda qofku ula falgalo xaaladaha aan la filayn.
Marka laga qaato xoogaa yar daroogooyinka dejiyeyaasha ah waxay qofka u keeni karaan inuu dareemo raaxo. Marka laga qaato xaddi weyn daroogooyinka dejiyeyaasha waxay keeni karaan suuxid, matagid iyo dhimashoba.

2- Dawakhiyeyaasha (Hallucinogens)

Sidee u shaqeeyaan daawooyinka dawakhiyeyaasha (hallucinogens)?
waxay saameeyaan sida dadku wax u arkaan, ama u malaynayaan inay waxyaalo u arkayaan.
Qofka qaata daroogada dhawakhiyaha ah wuxuu arkaa ama maqlaa waxyaalo aan meeshaba ka jirin. ama waxa ay arkaan waa kuwo si uun u khaldan.
Saamaynta kale oo ay daroogooyinka dhawakhiyeyaasha ah leeyihiin waxaa ka mid ah indhaha oo ballaarta, rabitaanka cuntada oo
yaraada, nashaadka qofka oo kordha, hadal ama qosol badan, dareenka farxad caadifadeed ama mid nafsadeed iyo ladnaan, dhidid, argagax, shaki, ka warqab la’aanta waxa jira, dabeecad aan macquul ahayn ama aan caadi ahayn, caloosha oo majiirta iyo lalabo.
Sababtoo ah saamaynta dhawakhiyeyaasha oo aad u kala duwan, waxaan suurtogal ahayn in la sii saadaaliyo saamayntooda qof gaar ah ama waqti gaar ah.

Maxey dadku u isticmaalaan daawooyinkaan?
Ma jirto hal sabab ah oo ay dadku u isticmaalaan daroogooyinka.
Badiba dadku waxay daroogooyinka u isticmaalaan inay wax ka baddalaan sida ay wax u dareemayaan sababtoo ah waxay doonayaan
inay si fiican wax u dareemaan ama si ka baddalan sida ay hadda yihiin.
Waxay daroogooyinka u isticmaalaan sababtoo ah waxay u malaynayaan in isticmaalkooda ay manaafacaad ku jiraan.
Dadku waxay daroogooyinka u isticmaalaan si ay u raaxaystaan, u farxaan, koox gaar ah uga mid noqdaan, ama ay ka baxsadaan
xanuun jidheed ama mid nafsadeed.
Dadka dhallin-yarada ah waxay daroogooyinka u isticmaalaan sababo badan oo la mid ah sababaha ay dadka waaweyn u isticmaalaan
daroogooyinka.

Akhriso qeybta xigta sida daawooyinkaan sidey dadku u saameeyaan markii daroogo ahaan loo qaato

Real Pharmacist