Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Axmed Caydaruus on February 19, 2017, 09:01:03 PM

Title: Su'aal: Waa maxay cudurka Cystic fibrosis?
Post by: Axmed Caydaruus on February 19, 2017, 09:01:03 PM
Asc dr waa idiin salaamay aad ayaad ugu mahadsan tihiin wacyegelintiina joogtada ah alle kheyr ha idin siiyo ee waxaan rabay in aad inoo faa'ideysaan cudurka cystic fibrosis oo genetic disorders ka mid ah mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Waa maxay cudurka Cystic fibrosis?
Post by: SomaliDoc on May 23, 2017, 05:48:27 PM
Cystic fibrosis waa xanuun saameeya xubnaha jirka, waa xanuun hidde-raac ah oo la kala dhaxlo, wuxuu aad ugu badan yahay dadka cadcad.

Cilmibaarayaashu waxay sheegeen in cilladu ay ka jirto hidde-wade loo yaqaano "CFTR", kaasoo saameeyan ku yeelan karo qeybo badan oo jirka ka mid ah.

Astaamaha lagu garto waxaa ka mid ah:

Horumar badan kadib, hadda waxaa la awoodaa in xanuunkaan la ogaado iyadoo hooyada uur leedahay in uurjiifkeeda uu qabo xanuunkaan iyo in kale.

Qofka xanuunkaan qabo wuxuu u baahan yahay la socod joogto ah dhinaca caafimaadkiisa, weliba dhowor dhakhtar oo kala takhasusaat duwan.