Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on February 20, 2017, 05:36:09 PM

Title: Xuquuqda Bukaanka Iyo Dhakhtarka (Dhacdo) !!
Post by: SomaliDoc on February 20, 2017, 05:36:09 PM
(http://somalidoc.com/Topics/xadgudub.png)

Bismillah,

Waxaan maanta idiin soo gudbin doonaa cashar xambaarsan talooyin muhiim u ah haweenkeena u baahan inay dhakhtar la xiriiraan, waxaan kaga hadli doonnaa xuquuqda uu bukaanku leeyahay, waxyaabaha aad ka ogolaan karto dhakhtarkaaga iyo waxyaabaha ka mamnuuca ah inuu kugu sameeyo si aad uga badbaadid xad-gudub jir ahaaneed ama mid nafsi ahba.

Waxaa igu kallifay in aan idiin soo gudbiyo qoraalkaan cabasho qarsoon oon naga soo gaartay qof asxaabta ka mid ah, iyadoo sheegtay in ay la kulantay dhakhtar sheegtay inuu ku takhassusay cudurrada dumarka iyo madhalaysnimada, kadibne dhakhtarkii wuxuu u guda galay wiisiteyn iyo baaris jirka ah, wuxuuna bilaabay inuu ka taataabto ama ka salaaxo meesha dareenka ay ka helaan dareenka oo cawrada ku taallo, gabadhii way isku naxday, waxayne dhakhtarkii ku tiri: maxaad samaynaysaa? ma i xoogi rabtaa?, wuxuu ku jawaabay: isdaji, shahwadaada ayaan baarayaa..!!!
Gabadhii iyadoo shakisan ayay nala soo xiriirtay si ay u ogaato waxa dhakhtarka uu sameeyay inay wax ka jiraan iyo in shahwada dumarka la baaro iyo in kale?!!!.

Dabagal ay gabadhu samaysay iyadoo la kaashanayso dhakhaatiirta magaaladeeda ka howlgasho, waxay ogaatay inuu qofkaasi uusanba ahayn dhakhtar sax ah oo uu yahay xirfadle caafimaad oo ku shaqaysto dhakhtarnimo dumar.!!! Waxa uu ku kacayne maahayn wax caafimaadka shaqo ku leh, mana jirto wax la yiraahdo shahwo baaris dumarka lagu sameeyo, baaritaannada madhalaysnimada iyo uur qaadista waa waxyaabo kooban oo ay dhakhaatiirtu isla wada garanayaan. shawadane waxaa laga baaraa kaliya ragga.

Sheekadaan kore waxay ka tarjumaysaa dhibaato qarsoon, waxaana looga badbaadi karaa in aqoon loo yeesho, si looga taxaddaro.

Maadaama bukaanka xanuunsan uu daryeel bixiyaha caafimaad uu isku dhiibayo, amarkiisane uusan diidi karin waxaa dhacda in qofka aan akhlaaqda lahayn inay ku xadgudbaan bukaanka iyagoo ka faa'idaysanayo aqoon yarida bukaanka, la xisaabtan la'aan maadaama uusan jirin nidaam xoog leh oo tallaabo ka qaadi karo dadka noocaas ah, waxaa intaa sii dheer iyadoo ay jiraan xirfadlayaal badan oo dhakhtarnimo ku shaqaysto iyagoo aan wax aqoon ah u lahayn shuruucda caafimaadka iyo xuquuqda bukaanka iyo iyadoo dhakhaatiirta qaarkood ay isticmaalaan maandooriyeyaal taasoo keeni karto in falalka qaarkood aysanba ka war haynin.

Dhakhaatiirta badankood way ka fogaadaan khaladaadkaan, laakiin way jiraan kuwa aan ilaalin xuquuqda bukaanka, iyo kuwa dhif ah oo ku xadgudba bukaannadooda, sidaa darteed si aad uga fogaatid dhibaatadaan oo kale waxaan halkaan idin kugu soo gudbinaynaa 10 talo oo aad kaga badbaadi kartid dhakhtarka iyo kalkaaliyaha caafimaad ee dhaqanka xun:

Talooyinkaan iyo tusaalooyinkaan waxay kaa caawin doonaan inaad ka gaashaamatid in lagugu xadgudbo, hadduu xadgudub dhaco waa in aadan ka xishoon in aad la wadaagtid qoyskaaga, sababtoo ah ceeb, wajigabaxnimo iyo cabsi darteed ayaa badanaa arrimaha noocaan ah looga aamusaa, waxayna ku caawinaysaa qofka fal dambiyeedkaan galay inuu ku sii dhiirrado, bukaanno hor lehne uu dhibaateeyo.

Haddii aad u bogi waysid dhaqanka dhakhtarka aad u tagtay, boorsadaada horay u soo qaado, xafiiskane uga soo bax. (Ha ka xishoon inaad isbadbaadiso).

Haddii aad qabtid su'aalo la xiriiro qoraalkaan ama faahfaahin aad u baahan tahay, iigu soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)