Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Akhaa Binu Jowhari on December 05, 2017, 09:47:29 AM

Title: Su'aal: Koolo-bir baa indhaha looga shubay?
Post by: Akhaa Binu Jowhari on December 05, 2017, 09:47:29 AM
Bismillah,
Asc....Doc, waxan doonnayaa in aan kula wadaago dhacdo naxdin leh,  Habeen ku saddex baa wiil yar indhaha looga shubay Koolo_bir, midda loo adeegsado in ay isku dhejiso agabka guriga ama alaabta ka samaysan dhoobka (glue)
Wiilkas waxa uu jiifay Masjidka, kadib ciyaalo oo horey u dirirayn baa shilkaa ku sameeyay arxandarrada ah, wiilkii waxa uu soo toosay asigoo indhihii isku dheggan, aan kala qaadmi karin xanuun dartiisa, baa loo dhigay Dhakhtar si loo badbaadiyo.

Doc, kawarn kooladaas qofkii insha looga shubo saamaynteed, weliba ay gaarto insha oo dhan, Bu'da iyo ka Geesba.?
Title: Re: Su'aal: Koolo-bir baa indhaha looga shubay?
Post by: SomaliDoc on November 30, 2018, 08:00:19 PM
Badanaa koollo birta wax ma gaarsiiso bu'da isha illaa qofka uu aad u xoqxoqo mooyee, haddii isha kaa gaarto qasab laguma fujiyo, biyo qandac ah ayaa lagu dhaqaa kadibne waa la daboolaa oo dabeesha ayaa loo diidaa, kadibne 2 illaa 3 maalmood kadib koollada way jajabtaa, ishane caadi ayay noqotaa. ka taxaddar in isha aad xoqdid haddii koolo bir kaa gaartay, haddii aad heli kartid daryeel caafimaadne si dhakhso ah ku gaar.

Shilalka koollo birta ee indhaha dunida way ku badan tahay maadaamo ay aad ugu eg tahay daawooyinka indhaha qaarkood.