Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Yaasir32 on April 03, 2016, 09:26:18 AM
-
ASC WR WB DHAKHATIIRTA KU HOWLAN CAAWINTA WALALAHOODA XANUUNSAN WAAN IDIN SALAMAY SALAN KA DIB WAXAN KA CABANAYAA XANUUN AAN KA DAREEMO LAFTA DIBKA EE FUTADA KORKEEDA MARKI AAN FADHI BADAN FADHIYO & MARKII AAN SAXARO DAREEMO AYAAN WAXAN KA DAREEMAA XANUUN SAAYIDA AH
MARKA HA LAGA CAAWIYO XANUUNKAAS WAXA UU YAHAY & WAXA KEENAH.
MAHADSANID ALLAHU AKBAR
-
Xanuunak aad tilmaantay waxaa loo yaqaanaa "coccygodynia", waa xanuun laga dareemo alfta daba-qanaanta khaasatan markuu qofka ku fadhiisto wax adag muddo dheer, dadka qaar way iska xanuuntaa, dadka kale jug hore ayay tilmaan u tahay sida in aad sal ahaan u dhacday, midda kale markuu qofka saxaro adag soo riixayo, laftaas way taaban kartaa oo sidaa ayaa xanuun ku dareemaysaa.
Waxyaabo kalane way keeni karaan oo in baaris lagu sameeyo ayay u baahan tahay, daawadu waxay iskugu jirtaa daliigis, cirbad, qalliin iyo neerfo dilis.