Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Haweenka => Topic started by: SomaliDoc on December 13, 2007, 02:18:40 PM

Title: Calaamadaha Foosha (Signs of labor)
Post by: SomaliDoc on December 13, 2007, 02:18:40 PM
(http://somalidoc.com/Topics/foosha.png)

Baro calaamadaha foosha si aad u ogaato goorta aad isbitaalka dhalmo u aadaysid. Haddii aad wax calaamado ah oo fool aad isku aragto 36 toddobaad ka hor ama 9 bilood uurka, isla markiiba la xiriir takhtarkaaga.
 
Calaamadaha fooshu waa maroojin iyo dillaacida xuubka.
 
Maroojinta
Maroojintu waxay dhacdaa marka murqaha ilmo galeenku ay giigsamaan ayna is kala dabciyaan maadaama uu ilmo galeenku isu diyaarinayo dhalmo.
 
Maroojinta Foosha Beenta ah
Kuwaani waxay dhacaan waqtiga bisha ugu danbeysa ee uurka. Waxay yihiin:
• Kuwo aan is dabajoog ahayn.
• Isuma soo dhawaadaan waxaana laga yaabaa in uu joogsado saacad ka dib ama sidaasoo kale.
• Badanaa lagama dareemo dhabarka.
• Waxay joogsadaan marka la socdo.
• Xanuunku waqti ka dib ma sii kordho.
• Ma sababo inuu ilmo galeenku isbeddelo.
 
Maroojinta Foosha ee Saxda ah
• Waxay dhacaan waqtiyo is daba joog ah waxayna ku dhammaadaan 30-60 ilbiriqsi.
• Way isu dhowaadaan waqti ka dibna xanuunku wuu sii bataa.
• Waxaa laga yaabaa in laga dareemo dhabarka hoose iyo uur ku jirta hoose. 
• Wuu sii socdaa ama sii kordhaa marka lala socdo.
• Ilmo galeenka ayaa ka caawiya in uu jilco, khafiif noqdo, una u furmo dhalidda.

Maxaa la Sameeyaa
Haddii ay kula tahay in ay fool ku hayso:
• U seexo, haddii ay suuragal tahay, dhinacaaga bidix.
• Cun ama cab cuntooyin fudud oo keliya.
• Maroojinta saacad u fiiri. Haddii hal maroojin ay billaabato 9:10 tan ku xigtana ay billaabato 9:16, waxaa u dhexeeya 6 daqiiqadood. 
• Aad rugta caafimaadka ama isbitaalka marka maroojintu ay:
- U dhexeyso 5 daqiiqadood ilaa 2 saacadood uurka ugu horreeya 
- U dhexeyso 5 daqiiqadood ilaa 1 saac uurarka kale
- Sida uu takhtarkaaga ama rugta caafimaadku ay ku fareen.
 
Dillaaca Xuubka
Dillaaca xuubka, oo loo yaqaanno biyaha soo jabay, waa dheecaan dhibco ama burqan ah oo kaa yimaada marka uu kiish dheecaan ah oo ilmaha ku hareereysan uu dillaaco.
Dheecaanku badanaa waa mid biyo cad ah, laakiin waxaa laga yaabaa in uu cad yahay ama cagaaran yahay. Kiishka biyaha ahi waqti kasta ayuu dillaaci karaa. Waxaa laga yaabaa in uu dillaaco ka hor inta aadan dareemin maroojinta waxaana laga yaabaa in uu soo daato waqtiga maroojinta.
 
Maxaa la sameeyaa
• Haddii ay kula tahay in biyahaagii soo dillaaceen, Si degdeg ah ku aad isbitaalka.
• Ha qubeysan.
• Waxaad xiran kartaa suufka dhiigga oo kaliya.

Haddii aad faahfaahin dheeraad ah u baahan tahay ama su'aalo kale aad qabtid ku soo gudbi halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)