Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Balqiisahaaji on January 27, 2016, 03:27:11 PM
-
asc dhaqaatiirta sharafta leh illaah un baa gudi kara abaalka aad noga lesaan waxaan donayay in aan suaal idin weediiyo haduu alle idmo suaa shayda waxa waaye canug yar hal dhag dheecan ka yimid marka dadaaa waxay idhaheen caanaha naaska uga lis maxay u dhibi kartaa
jazakallaah khayr
-
(http://somalidoc.com/Topics/naaska.png)
In caanaha naaska lagu dhibciyo dhegta jiran waa wax jira, dhakhaatiir ku talisane way jirtaa laakiin dhowr shardi ayaa ku xiran:
1- In aan laga badin 3 illaa 4 dhibic kaliya, haddii laga badiyo waxaa dhici karta in caanaha dhegta ay ku xirmaan taasne ay infekshanka sii kordhiso.
2- In infekshanka uusan ka gudbin xuubka dhegta, haddii dhegta ay dillaacdo ama dheecaan ay yeelato waa qasab in daawo qallajiye ah la qaato.
3- Infekshanka dhegta ku dhaco waa dhowr nuuc, kan caanaha uu wax ka taro waa midka ku dhaca dhegta qeybteeda dhexe oo loo yaqaano "Otitis Media", ka akhriso halkaan:
Sababta ay caanaha wax u taraan waxaa lagu sheegaa labo arrin: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,546.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,546.0.html)
- Caanaha waxay qooyaan marinka dhegta, haddii uu dhukay ku jirane way jilciyaan, waxay kaloo qoyaankaas dhegta laga dareemayo yareeyaan cuncunka iyo xanuunka uu dareemayo cunuga yar.
- Caanaha waxaa ku jiro wax difaaca jirka sare u qaado, bakteeriyadane la dagaallamo ama jeermis dile, sidaas daraadeed infekshanka waxaa hoos u dhigayo awoodda jeermis dilidda ee ilaahay ku abuuray caanaha, akhriso: Faa'idooyinka Caanaha Hooyada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,382.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,382.0.html)
Sidaas awgeed maadaama aad tilmaantay in dhegaha ay dheecaan leeyihiin waa muhiim in aad qallajiyayaal ama antibiotic u raadisid ilmaha yar, marka caanaha waxtarkoodu ay fiican yihiin waa marka caabuqa uu billaw yahay oo ilmaha ay dhegta xoqonayaa, oynayaan ama kacsan yihiin taasoo ah astaamaha ugu horreysa in dhegta ay infekshan qaaday.
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.60.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.60.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)