Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mahadcade on February 25, 2018, 02:03:37 PM

Title: Su'aal: Ulcer iyo dhabar xanuun iyo H Pylori?
Post by: Mahadcade on February 25, 2018, 02:03:37 PM
Assalaamu Calaykum Ditoore,

Magacayga waa Mahad, ditoore in badan waan akhriyey qoraaladdaada aad baana uga faaiday mudo toban sano kabadan waan ku xirnahay bogaan. Laakin maanta iigu horeysa suaal soo qorto, sababto ah badana suaalaha aan rabo jawaabto way qoran yihiin badankooda.

Ditoore, in muddo ah lix bilood ah ayaan waxaan dareemaya xanuun xagga caloosha iyo dhabarka. Horay ayaa dhakhtar iigu sheegay xanuunka "chronic gastritis" iyo inaan ahay pre ulcer 2010. Wax yaalo badan wuu igula taliyey inaan iska ilaaliyo oo adiguna wax badan ka qortay. Hase ahaate waxaan ahay nin dhalinyaro oo hadda 27 sano jirsaday wax badan waan hikmaamay taladii dhakhtarka oo cuntooyinki waan sii waday anoon kala soocayn cuntada basbaska lehna aad usii jeclahay.

Muddo hadda laga joogo seddex bilood ayaan dhiig cas saxaradayda ku arkay waxaan is iri waa baabasiir iyo awal oo igu dhib badanayd saxarada. In muddo wuu hayay markii dambe waxaan joojiyey cereal aan aad u ccuni jiray oo la yiraahdo "Raisin Bran" waan ka roonaaaday dhiig bixi laakiin daaco siyaado ah ayaan leeyahay ilaa dadku igu dhibsadaan markaan cunto miis kuwada cunayano anigu boobsiis ayaan wax ku cuna. Xanuunki dhabarka u badana waxaan mooday in muruq xanuun jiro oo fadhiga igu xuma. laakiin dhawaan mudo bil ah wuxuu isku badalay in neefta idhibto ama "shortness of breath". Markay halkaas gaadhay waan isla tacaalay cuntadi wax weyn baan ka belday (Boorash, haruur iyo ukun ayaan ubedeshay, wixii shiiilna waan joojiyey) dhakhtar ayaan utagay wxuu iga baaray bacteria h pylori jawaabti positive ayay noqotay kaniiniga triple therapy ayaan hadda wada mudo todobo casho ayaan waday waan dhamaysatay laakin bacteria weli waa positive oo waxba iskama bedelin. laabjeec malihi oo ma dareemo gaska dadku ka cabtaan laakiin dhabar xanuunki ayaa igu siyaaday weliba qaybta dhexe ee dhabarka Thoracic area garbaha dhexdooda ah.

Ditoore ila tali xanuunka caloosha iga haya ee bacteria lab ku sheegay waxaa iiga daran kan dhabarka iga haya oo mararka qaar neefta aan ciriiri ka dareemo. Suurta gal matahay inuu ulcer igu weynaaday ama xuubki caloosha dilaacay? dhabarka iyo caloosha meesha xanuunka iga hayo waa isku beegan yihiiin. dawadina weli waan wada usbuuc kale ayuu dhakhtarkii igu celiyey. Teeda kale waan akhriyey dhamaan maqaalada ulcer, peptic ulcer, h pylori, gastric (video aad duubtay) kulu laakiin gas calooleedka dhabar xanuunka iyo neefta isku bedelay ayaan ka cabanaya,

Jaxaakallah Kheyr, kana raali ahow qoraalka dheer.

Salaam,
Mahad
Title: Re: Su'aal: Ulcer iyo dhabar xanuun iyo H Pylori?
Post by: SomaliDoc on December 15, 2018, 12:08:07 AM
Bog calooleedka ayaa lagu yaqaanaa in xanuunka laga dareemo dhabarka meesha bogga ku beegan, daaco, dibbiro, wadne garaac, af-qallayl iyo hurdo xumo, waxaa habboon heerka xanuunkaaga hadda marayo in tubada kaamirada leh laguu dhaadhiciyo "endoscopy" si loo fiiriyo in boog jirto, cadne laga qaado, midda kale baaritaanka H.pylori haddii dhiig laga baaray, la iskuma hallayn karoo Positive ayay iska ahaanaysaa in muddo ah xittaa haddii bakteeriyada dhimatay, marka waa in saxarada laga baaraa ama neefta.

Talada ugu dambayso waa inaad cunanda habaysataa, inta aad sheegtay way fiican yihiin, laakiin ukunta ka reeb, malab saafi ah haddii aad heli kartidne subaxdii laba qaado oo malab ah ku darso koob biyo ah oo cab, dad badan oo sidaada loo hayay ayaa ku fiicnaaday.