Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on September 02, 2008, 09:50:43 AM

Title: Waa Maxay Kolestarool (Cholesterol)?!
Post by: SomaliDoc on September 02, 2008, 09:50:43 AM
(http://somalidoc.com/Topics/kolestrol.png)

Waa Maxay Kolestarool?!
Kolestarool (Cholesterol) waa shay dufan ah oo jirku uu u baahan yahay inuu ku shaqeeyo. Waxaa lagu sameeyaa beerka waxaana laga helaa cuntada ka timaadda xoolaha, sida hilibka, ukunta, waxyaabaha caanaha laga sameeyo iyo subagga.
Kolestarool fara badan oo jirka ku jira wuxuu noqon karaa mid waxyeello u leh jirkaaga wuxuuna kordhin karaa halista aad ugu jirto cudurka wadnaha.

Halis ayaad ugu jirtaa dhiig kolestaroolkiisu sarreeyo haddii:
# Jirkaagu uu sameeyo kolestarool fara badan
# Aad cunto cunno uu dufanka cayriin iyo kolestaroolku ay ku sarreeyaan
# Aad sonkorow qabto, heerka qanjirka dheecaan burburintaadu uu hooseeyo kaasoo loo yaqaanno hypothyroidism, ama cudurka killida

Ma jirtaa calaamado lagu garto kolestaroolka sarreeya?
Cudurkaan waxaa loo yaqaanaa "dilaaga aamusan" sababtane waxay tahay calaamado lagu garto ma lahan, waxaa dhici karto calaamadda ugu horreysa inay noqoto, wadna xanuun "Angina", wadna qabad "Heart Attack", Faalij "Stroke" ama xanuun murqaha lugta markaa socotid.
Cillada kolestaroolka kacsan wuxuu noqon karaa dhaxal, caruurta ama dhalinyarada wuu ku dhacaa noocaan.

Halis ma ugu jiraa xanuunka kolestaroolka?
Haddii hooyadaa, aabaahaa, walaalahaa ay kolestarool qabaan ama da'daadu ka sarreeyso 50 jir, ama sonkor nooca 2 aad qabto, ama cayilan tahay ama aadan dhaqdhaqaaq samaynin ama sigaar iyo khamri cabto ama astaamaha lagu garto kolestaroolka aad indhaha ku leedahay.

Waxaa jira 3 nooc oo waaweyn oo dufan ah oo dhiiggaaga ku jira:
# (Dufanka Cufkiisu Sarreeyo) High Density Lipoproteins (HDL):
Kolestaroolkaan "wanaagsan"? wuxuu kolestaroolka dheeraadka ah ka qaadaa dhiiggaaga wuxuuna ku celiyaa beerka si markaas jirkaagu uu u awoodo inuu uga takhaluso.
# (Dufanka Cufkiisu Hooseeyo) Low Density Lipoproteins (LDL):
Kolestaroolkaan "xun"? ee dhiiggaaga ku jira wuxuu ku kordhaa marinnada dhiiggaaga. Tani waxay keeni kartaa in marinnada dhiiggaagu ay ciriiri galaan, iyadoo dhibaato gelinaysa socodka dhiigga.
# Triglycerides: Cunidda Kaarbohaydareyt fara badan waxay kordhin kartaa heerka triglyceride.
Dufannada dhiigga waxaa lagu cabbiraa baaritaanka dhiigga.
Natiijooyinkaagu waxay kuu sheegi doonaan heerka guud ee kolestaroolka dhiiggaaga
# Heerka caafimaadka oo ka hooseeya 200.
# Haddii kolestaroolkaaga guud uu ka sarreeyo 200, takhtarkaagu wuxuu kaa baari doonaa HDL, LDL iyo triglycerides.

Heerka HDL ee kolestaroolka dhiiggaaga
Kani waa kolestaroolka "wanaagsan"?: mar kasta oo ay tiradiisu sarreyso, way ka sii wanaagsan tahay.
# Heerka caafimaadka leh waa 60 iyo ka kor.
# Takhtarkaaga kala hadal daaweynta haddii heerkaagu ka hooseeyo 40.

Heerka LDL ee kolestaroolka dhiiggaaga
Kani waa kolestaroolka "xun"?: mar kasta oo ay tiradiisu hooseyso, way ka sii wanaagsan tahay.
# Heerka caafimaadka leh wuxuu ka hooseeyaa 100.
# Waxaa laga yaabaa in takhtarkaagu uu doonayo in LDL-kaagu uu ka hooseeyo 70 haddii aad in dhawaale dhibaato wadne la kulantay.
# Takhtarkaaga kala hadal daaweynta haddii heerkaagu uu yahay 130 iyo ka kor.

Heerka triglyceride-ka dhiiggaaga
# Heerka caafimaadka leh wuxuu ka yar yahay 150.
# Takhtarkaaga kala hadal daaweynta haddii heerkaagu uu yahay 200 iyo ka kor.

Si aad hoos ugu dhigtid heerka kolestaroolka dhiiggaaga
# Takhtarkaaga u tag oo kolestaroolka si joogto ah ha lagaaga cabbiro.
# Kala hadal takhtarkaaga, kalkaalisada ama cunto qoraha wax ku saabsan qorshaha cunto cunidda iyo jir dhiska.
# Daawo ayaa laga yaabaa in loo baahdo haddii cuntada la qoray iyo jir dhisku aysan ku filneyn xalka arrinta.
# Cun cunto buunshuhu ama faybarku aad ugu badan yahay, sida miraha isu dhan, digirta isu dhan, iyo furuto markaas la gooyey iyo khudrad.
# Xaddid cuntada ay ku jiraan xaddiyo sare oo kolestarool ah iyo dufannada cayriin iyo dufannada polyunsaturated-ka ah, sida hilibka lo'da, farmaajada, iyo caanaha.
# Cun cuntooyin dufankoodu hooseeyo, sida digaagga haragga laga diiray, kalluun ama caano dufanka laga saaray.
# Dooro cuntooyinka ay ku sarreeyaan dufanka monosaturated-ka ah, sida saytuunka ama saliidda canola iyo naatiska.
# Dub, kari, sol ama dhagax ku dub halkii aad shiili lahayd.

Takhtarkaaga kala hadal sidaad u maamuli lahayd heerarka kolestaroolkaaga.
Haddii aad qabto su'aal ama walac ku aadan qoraalkan halkaan ka weydii
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)