http://www.youtube.com/watch?v=emjCzaHtSrg | Fitamiin D wuxuu dawr muhiim ah ka ciyaaraa xifdinta iyo isku heynta xunaha jirka, wuxuu kaloo kontorolaa heerka kaalsiyamka ee dhiigga wuxuu kaloo sare u qaadaa difaaca jirka iyo shaqooyin kale oo muhiim u ah biniaadamka. Fitamiin D oo yaraado wuxuu keenaa dhowr cudur oo ay ka mid yihiin: Gedef (Rickets), Lafo-Jileec (Osteomalacia) iyo Lafo-beel (Osteoporosis). Gedefka wuxuu ku dhacaa caruurta waxaadne halkaan ka akhrisataa qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1729.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1729.0.html) Cudurka lafo-jileeca ayaa u badan dadka waaweyn waxaana calaamadihiisa ka mid ah: Xanuunka korka oo dhan, murqo xanuun iyo lafo jileec, wuxuuna ka dhashaa cudurkaan fitamiinka D oo ku yaraado jirka, cunno xumi ama qorax la'aan awgeed. Cudurkaan waxaa lagu daaweeyaa iyadoo la qaato Fitamiinka maqan taasina waxaa xadidayo dhakhtarka la socdo xaaladaada. Cunnooyinka laga helo fitamiin "D"-ga waa: 1- Caano 2- Kalluunka noocihiisa kala duwan 3- Beerka 4- Jaallaha ukunta 5- Farmaajada 6- Siiriyaalka SomaliDoc |