Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Fawzi on February 23, 2016, 12:21:09 AM

Title: Su'aal: Araga oo yaraada?
Post by: Fawzi on February 23, 2016, 12:21:09 AM
asc dictore waad ku mahadsantahy sida hagar la'aanta ah eed mar walba noogu so gudbiso qoraalada ku saabsan caafimaadka aad ayaana kaaga mahad celinaya,
dictore waxan aqristay qoraal ad so dhigatay o kusabsan araga o la beelo ama indhaha' aniga hada da'dayda wa 25 waxaana isku arkay arag yaraan anigo 15 jir ah murayado ayaana la ii qoray o dawo ma lihid ayu dhaqtarku i dhahay ilaa hadda murayadihi ayaan qabaa aragayga wu si nusqamaya marba marka ka dambeysa lkn wax xanuun ah ma dareemo mar mar ayay ilin iga timada markan aad u isticmalo telka sida habenki, marka dictore maxa sababi karo arag yaranta igu dhacday anigo da'daydu yartahay' dawo se maleyahay si aan isku gaaro waayo dhaqtar kasta wuxu idhaha dawo malihid e murayadaha uun xidho mushkiladaydu waa araga fog, marka dictore iso jawab khayr ilahay haku siiye inbox kayga igu so dir jawabta fadlan,

?????? ???? ?????
??????? ????? ????? ???? ??????? ?
Title: Re: Su'aal: Araga oo yaraada?
Post by: SomaliDoc on February 28, 2016, 05:29:32 PM
Waxyaabo badan ayaa keena inuu araggu nusqaamo markuu qofka yar yahay, waxaa ka mid ah in aad badisay fiirsida filmiaanta kartoonka ama Tv-ga adigoo meel u dhow fadhiistay ama cillado kaaga dhacay aragga, dhakhtarkaaga indhaha wuu awoodaa inuu warbixin fiican kaa siiyo waxa kugu dhacay iyo heerka araggaagu uu maraayo, akhriso qoraal ku saabsan su'aashaada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,962.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,962.0.html)