Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ina Abdi on February 16, 2016, 12:54:12 AM

Title: Su'aal: Xanuunka Scoliosio?
Post by: Ina Abdi on February 16, 2016, 12:54:12 AM
Asc doctor, waxaan marka hore idinkaga mahad celinaa dadaalka aad umadda Soomaaliyeed ugu fa,iideyneysaan. Waxaan idin leeyahay Rabbi ha idinka abaalmariya kheyrkan. Suaasheyda waxay tahay, Xanuunka Scoliosio inaad inoo qeexdo, intaan ogahay waa xanuun laf dhabarta ku dhaco oo sida C iyo sida S middood u wareejiyo lafdhabarta. Qatartiisa intey la eg tahay, xanuunka Polio xiriir ma la leeyahay. Haddii qof laga qalo xanuunka oo laf dhabarta loo toosio, makusoo laaban karaa? Mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Xanuunka Scoliosio?
Post by: SomaliDoc on February 18, 2016, 04:48:06 PM
(http://somalidoc.com/Topics/qallooca.png)

Qallooca dhinac dhinaca ee lafdhabarta galo ayaa waxaa loo yaqaanaa "Scoliosis", qallooca horay ama gadaal-ka u galane waxaa loo yaqaanaa "Kyphosis" ama tuur, taasoo horay markay gasho, shafka uu soo kuusto, haddii gadaal ahaan u gashane laga arko dhabarka.

Maxaa keeno qallooca lafdhbarta?
Qallooca soliosis waxay ku timaadaa 3 cilladooda oo kala ah:

Badanaa cilladaan qallooca lafdhbarta waxaa la arkaa ama la dareemaa ama timaadaa da'da u dhaxayso 10 illaa 16 sano.

Waxaa lagu ogaan karaa cilladaan markii uu dhakhtarka caruurta uu ilmaha uu wiisiteynayo, waxaana lagu dareemaa labada garbood oo kala gaaban, lafta garabka oo soo baxsan markii duudka la eego, miskaha oo aan isla sinneeyn ama qofka oo dhinac u janjeero.

Intaa ka dib waxaa laga yaabaa inuu dhakhtarka kuu diro raajo ama sawir scan si loo helo warbixin dheeraad ah sida qallooca heerka uu gaarsiisan yahay.

Sidee loo daaweeyaa?
Daawayntu waxay ku xiran tahay da'da aad jirto iyo qallooca heerka uu gaarsiisan yahay.
Haddii qalloocu u dhaxeeyo 25 ilaa 40 degree, lafahaaguna ay korayaan weli, waxaa laga yaabaa in lagugu xiro biro ka hortagaya inuu qallooca siyaado, kadibna aayar ayay lafdhabarta isku toosinaysaa, waana in afartii biloodba mar lagula socdo.

Haddii qalloocu uu ka wayn yahay 40 degree, xalku waa qallii sixis ah, waxaana lafdhabarta lagu rakibaa biro toosinayo.

Haddii cilladu ay u muuqato wax billow ah oo ka socdo neerfaha ama murqaha waa in cilladahaas la daaweeyaa si lafdhbarta loo badbaadiyo, waxaa ka mid noqon karo waxyaabaha jimicsi, daaweyn iyo koronto lagu kcinayo murqaha.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)