Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ashom on December 04, 2016, 06:28:27 PM

Title: Su'aal: Codkeeyga aad ayoo u Yar Yar yahay?
Post by: Ashom on December 04, 2016, 06:28:27 PM
Codkeeyga aad ayoo u Yar Yar yahay 27 ayaa jiraa walal keey 18 jiro ayaa iga codweeyn sideey ku yeelan karaa codweeyn (deep voice) majirtaa qaab loo sameeyn karo taba bar ama dawo
Thanks somalidoc.com
Title: Re: Su'aal: Codkeeyga aad ayoo u Yar Yar yahay?
Post by: SomaliDoc on January 04, 2017, 09:26:44 PM
Codka waxaa u xilsaaran xubinta loo yaqaano qulaanqulyaha, afka qalaadne lagu dhaho "Larynx", waxay ku taallaa dhuunta waxayna kortaa xilliga qaangaarka.

Waxyaabaha keeno in qulaanqulyaha waynaado waa hormoonka ragga ee loo yaqaano "Testosterone".

Saa darteed wiilasha isku waqti hormoonkaas uma bato, qulaanqulyahane uma koro, qaar baa dhakhso codkooda isbadalaa, qaarne wuu ka soo daahaa.

Waxaa jiro astaamo kale oo ku saabsan qaangaarka oo ka horeeyo in codka isbadalo, akhriso qoraal ku saabsan mawduuca qaangaarka oo iska fiiri haddii ay jiraan cillado kale: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6522.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6522.0)

Haddii astaamaha kale kuu saxan yihiin, fadlan la xiriir dhakhtarka si lagaaga fiiriyo isu-dheelli tirka hormoonada iyo haddii cillad xagga dhuunta ay jirto.

Way jiraan dad ku takhassusay codka oo tababarro sameeyo waxaa loo yaqaanaa "Vocalists".