Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Starka19 on October 29, 2018, 05:04:12 PM

Title: Su'aal: Miisaankaayga sideen u kordhin karaa?
Post by: Starka19 on October 29, 2018, 05:04:12 PM
Asc, Masha allaah runtii aad baan ugu faraxsanahay inan helo meel aan kugudbin karo su'aal aan jwb saxan u waayay.

Dhaqaatiirta halkani joogto waxan codsanlahaa inay iga shaafiyaa su'aalahaan soo socda.

1: Waxaan ahy 19 jir misaankayguna waa uu hooseeyaa 48 Buu marayaa dhirikayguna 1.72 weeye.
Maxaa sababi kari in aan sidaan uu miisankayga hoos ugu dhaco?

2: Sideen u kordhin karaa miisaankayga? majiraanse dad hore u kordhiyay miisaankooda.

FG: ma isticmaalo wax bal wad ah sido kale dadka caadiga ah ee aan lanoolahay waxa ay cunan baan la cunaa...

Fadlan sida ugu dhaqsida bdn hala'igu soo jawaabo.
Title: Re: Su'aal: Miisaankaayga sideen u kordhin karaa?
Post by: SomaliDoc on March 20, 2019, 09:35:13 PM
Markii dhirirkaaga iyo culeyskaaga la isku fiiriyo, aad buu u hooseeyaa waxaadne u baahan tahay in miisaankaaga ku dartid 8 kiilo. Midda kale hadduu miisaankaaga horay u fiicnaa, hadane uu soo dhacay waxaad u baahan tahay inaad dhakhtar la xiriirtid si lagaaga baaro xanuunada keeni karo miisaan lumista, laakiin hadduu weligaa sidaan ahaa miisaankaaga waxaad u baahan tahay inaad samaysid tillaabooyin aad ku kobcin kartid si dhirirkaaga iyo culeyskaaga iskugu qalmaan adigoo raaca talooyinkaan hoose:
Title: Re: Su'aal: Miisaankaayga sideen u kordhin karaa?
Post by: Starka19 on July 23, 2023, 02:50:53 AM
Alxamdulilaah 5sano baa laga joogaa markii aan taladaan qaatay miisaankaygu waxaa uu gaaray ilaa 67Kg hadeerna waa 64Kg.