Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kamaal on October 17, 2017, 12:01:11 PM

Title: Su'aal: Waan gariiraa markan war naxdin leh maqlo?
Post by: Kamaal on October 17, 2017, 12:01:11 PM
Asc somalidoc

Markan geeri maqlo ama wax naxdin leh dhacaan oo la iso sheego wan gariiraa jirkayga dhan oo xitaa qofka ila fadhiyaa dareemi karo hadalkana waa iga qaldamaaa maxay tahay waxaas ma fuleynimaa mise xanuun
Title: Re: Su'aal: Waan gariiraa markan war naxdin leh maqlo?
Post by: SomaliDoc on November 18, 2018, 11:15:00 AM
Way jiraan dad markay xanaaqaan ama naxaan kontaroolka ka dhumo oo gariira ama hadalka ku dhagga. waxayna ka dhalataa hormoonka la xiriiro xaaladahaan oo aad u kacan, waxaana loo yaqaano "Adrenaline".