Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hamada on June 24, 2018, 09:11:57 AM

Title: Su'aal: Murqaha wadnaha?
Post by: Hamada on June 24, 2018, 09:11:57 AM
Asc dhamaan waan idin sallaamay ka dib.
Waxaan i qabtay xabad xanuun ama dabxa zatriya  waxa layla orday isbital sadex maalmood aan jiifey qaybta degdega alxamdulilaaah  waxay ii shegen inuu xidid i xiran yahay wadankana wax looga qaban karin daawo aan isticmaalaa ilaa hada waxaan is saaray jihaaz waxi ii sheegay ef 40% ducuf murqaha  marka xidid ka haduu 100% xiran yahay malagu noolaan karaa hadii aan daawa keliya isticmaalo  dibada maka maarmaaa waxaa kaloo jira dhiigkar .korostorool  laakiin maalinkasta waa  cabiraa  120..  112    98   kor   hoosna waa caadi 60   58   laba bilood aan hada isticmaalaa dawada waxaa dareemaa marmar culeys xabadka ah  wareer waa mahadsan tihiin 
Title: Re: Wadnaha murqaha wadnaha
Post by: Hamada on June 24, 2018, 12:10:32 PM
50jir aan ah  sigaarka aan cabi jirey oo hada waan joojiyey wadnaha xidid aa xiran xabad xanuun aad u daran aa isoo maray 3beri degdega aan jiifay waxan isticmaalaa wado .  Khaqaatiirtu waxay dhahaan hadii xabad xanuun yihiin saacado dhowr ah keliya aa wax lagaga qaban karaa hadii kale murqahaa dhinta mara hada 40%ay iigu sheegeen hadaan xididadaala furin iyo talooyin aan u baahnaa wadankana   hosbitalo ma jiraan waad mahadsantihin
Title: Re: Su'aal: Murqaha wadnaha?
Post by: SomaliDoc on January 05, 2019, 12:02:02 AM
Walaal allaha ku caafiyo...

Xididka wadnaha hadduu xirmo waa xaalad emergency ah waxaadne u baahan tahay in sida ugu dhakhsiyaha badan in la furo, haddii xeritaankiisu yar yahay daawooyin waa la isticmaali karaa, hadii kale waxay noqonaysaa in tubo la galiyo si loo furo ama loo waasiciyo waxaana la dhahaa farsamadaas "Cardiac catheterization", haddii taasi ay shaqayn wayso waa in qalliin wadnaha lagu sameeyaa si xidid cusub loogu tallaalaa wadnaha.

Haddii xididka wayn ee wadnaha quudiyo dhinaca bidixine xigo uu xirmo boqolkiiba 50% waa in la sameeyaa qalliin si loo tallaalo, sidoo kale haddii sadax xidid xiran yahayne waa in qalliin la sameeyaa oo la tallaalaa.

Waxyaabaha kuu keenay inuu xididka xirmo waa sigaarka aad cabaysay iyo xanuunka kolestaroolka.

Fadlan talada dhakhtarka qaado, hadidii kale murqaha wadnaha waxaa gaarayo dhaawac joogto ah maadaama dhiigga ka xiran yahy, kadibne wadnaha ayaa ku howlgabayo, qalliin xilligaas la sameeyane wax ma tarayo.