Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: A/qadir Abdi on January 15, 2016, 11:01:30 AM

Title: Su'aal: Saliid Macasarada Ma La Cabi Karaa?
Post by: A/qadir Abdi on January 15, 2016, 11:01:30 AM
Asc Dadka qaar saliid macasarada u caba sida biyaha ama shaaha oo kale in ay koob dheer buuxsadaan caafimaadkooda wax ma yeelaysaa
Title: Re: Su'aal: Saliid Macasarada Ma La Cabi Karaa?
Post by: SomaliDoc on January 21, 2016, 12:15:00 PM
Saliid macsarada waa la isku waafaqsan yahay in ay faa'ido badan u leedahay jirka, horayne waan uga hadalnay ee ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3195.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3195.0.html)
Laakiin waxkasta oo jirka faa'ido u leh, haddii ay ku yaraadaan ama haddii ay ku bataan intaba caafimaadka waxbay u dhibaan, saliid macsarada in la cabo sida dadka qaar ay sameeyaan waxaa ka roon in aad sisinta cuntid maadaama saliida ay tahay mid tiq ah oo laga yaabo in halkii litre ee saliid macsaro ah in laga sameeyay dhowr kiilo oo sisin ah.
Sidaa daraadeed jirka wuxuusan u baahnayn ama wuu keydiyaa ama wuxuu raaciyaa saxarada iyo kaadida, sidaa daraadeed waxii faa'ido leh waxay ku fiican yihin in dhexdhexaad laga noqdo oo aan la isku badin, xitaa fitamiinada jirkeena ku jiro haddii ay bataan waa lagu sumoobaan oo qofka halis ayay naftiisa gali kartaa.
Way jiraan dad dhaha, saliida la cabo beerka ayay fadhisiataa oo waxyeeshaa, laakiin taasi mid cilmi ku dhisan ma ahan ee waa iska qiyaas.