Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdisalamali on May 24, 2017, 12:06:23 AM

Title: Su'aal: Haddii cagafta timaha ay ku sarto adigoo ...?
Post by: Abdisalamali on May 24, 2017, 12:06:23 AM
asc somali doc
hadii aad tagto tima jare cagafta lagaaga jarayayna aad mariso daawada jeermiska kadibna aad gubto marka laagaga jarayo timahana ay ku sarto dhiigna ay kaa keento ma gudbin kartaa xanuunada halista?
Title: Re: Su'aal: Haddii cagafta timaha ay ku sarto adigoo ...?
Post by: SomaliDoc on December 02, 2017, 09:11:40 PM
Jawaabtaasi qofna kama jawaabi karo, sababtoo ah in jeermiska uu kuu gudbo waxay ku xiran tahay dhowr shay oo kala ah:
1- Jeermiska nuuciisa, awooddiisa iyo inuu adkaysi u leeyahay daawada lagu dhaqay qalabka tinta lagu jaray.
2- Awoodda difaaca jirkaaga iyo haddii xanuuno kale aad qabtid oo sahli kara inuu jeermiska gudbo kadibne ku tarmo jirkaaga.
3- In daawada lagu jeermis dilay qalabka timajaraha aysan awood ama tayo toona lahayn oo jeermiskii waxba ka tarin.

Intaasba waa suuragal, marka haddii cagafta la jeermis dilay kadibne ay ku sartay, ilaahay talo saaro in aadan wax xanuun ah ka qaadin ayay u badan tahay, waxyaabo badan ayaa Alle tala saarashadiisa lagu moodaa khaasatan markii alga hadlayo gudbinta caabuqyada ee maahan wax aaad jawaab u heli karid, mana haboona inaad isku welwelisid darteed haddii kale cillad shakki iyo waswaas ayay kugu ridaysaa.