Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Somali_Nabad on February 18, 2017, 05:46:55 PM

Title: Su'aal: Sidee lagu garan karaa lafta jabtay inay bogsatay?
Post by: Somali_Nabad on February 18, 2017, 05:46:55 PM
marka hore ilaahay baan u mahad celinayaa.  waxaan kale oo aad u salaamayaa, dhammaan diktoorada iyo hawl wadeenada caafimaadka ee bulshadeena u adeega. waxaan leeyahay aad baad walal u mahadsan tihiin. intaa ka bacdi 2 suaal baan qabaa, kuwaas oo ah.

1...sidee lagu garan karaa lafta jabtay inay bogsatay?.
2...suaasha kallena waa cartuurta marka lagu kabo bool (bolt) ama screw ma qasab baa in dib loo qalo oo birta ama boolka lagasoo saaro, mise waa loo dayn karaa?.
waad mahadsan tihiin wll
Title: Re: Su'aal: Sidee lagu garan karaa lafta jabtay inay bogsatay?
Post by: SomaliDoc on May 23, 2017, 09:03:46 PM
In laftu kabantay waxaa lagu fahmo in raajo ama sawir la saaro qofka, midda kale birta la galiyay nuuceeda ayay ku xiran tahay, qaar dib baa loo soo saaraa, qaarka kalane meeshooda ayaa lagu daayaa. Fadlan la tasho dhakhtarkii kabay cunugga, midda kale jab walba wuxuu leeyahay muddo loogu talagalay inuu ku kabmo, haddii aad ii sheegi lahayd meesha uu cunugga ka jaban yahay, waan kuu sheegi lahaa inta kabniinku uu qaadanayo.