Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ashwaaq on October 30, 2009, 09:14:05 AM
-
A/S/C, Salaan kadib waxaan rabaa in aad ii sheegtaan arintaan
waqtiga qaboowga jiro waxaa i cuncuna sanka iyo cunaha iyo inDHAaha
iyo waliba waqtiyada aan uriyo busta iyo waxii lamida marka maxaakeena??????????
MAHADSANIDIIN
-
w/salam
Ashwaq waad mahadsan tahay
hadii aan u soo noqdo suashaada waxaan ka oran lahaa dhowr arimod
Cuncun , jirka ah
iyo marka aaad buta ama dustiga aad jiido
waxa keena kara Allergic/xasaasiyad aad ka qaadi karto
1) mida cimilada
2) Dharka
3) Cunto aad cuntay
marka intaas aad ogaato ayaa la sheegi karaa waxa sababay Allergigas ama xasaasiyadas cudurkan ka daawadas markas ayay fiicantahay
waa muhiim nooca aad xasaasiyada ka qaaday inta badan soomalida ma ogaadan nooca,daawada waxa kuugu filan in aad ogato nooca waxa ugu daran FOOD ALLERGY cuntada oo laga qado xasaasiyad .
-
Daaweynta waxay leedahay dhibaatooyin marka si aad ooga badbaadid bal tijaabi waxa aad dhibsanayso ...
mahadsanid.
Dr.Abdirizak
-
A/S/C waad mahadsantahey Dr.Abdulrazzak lakiin ma ahan cunada aan cuno sidaan filaayo
ee waqtiga qabowga ama aan busyar uriyo ayuu igu kacdaa waliba waxaa ii daran indhaha iyo sanka iyo cunaha, wali waxaa inta i dheer indhiso aan kala joogsi laheen ilaa xanuunka hindhisadaas aan kadareemo maskaxda oo mar marka qaar waxaan isdhahaa amay maskaxda wax gaaraan, marka xaalku waa saas
MAHADSANIDIIIIIIIIIN
-
Calamadaha aad dareemeyso sida uu sheegeyba Abdulrazzak waxaad dareemeysaa xasaasiyad ku aadan qabowga, busta iyo barafuunnada qaar.
Cudurkaaga waa sanboorka nooc ka mid ah waxaana loo yaqaannaa "Allergic Rhinitis".