Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cabdalle78 on August 27, 2016, 11:52:19 AM

Title: SU'AAL: XILIGA GALMADA IN BIYAHA LAYSKU CELIYO?
Post by: Cabdalle78 on August 27, 2016, 11:52:19 AM
Mararka qaar waxaa dhacda xiliga uu qofku sameeynayo in uu biyaha isku celiyo marka ay soo dhaw yihiin si uu san isla markiiba u biyo bixin, xaaladaas qofku caafimaad daro maka qaadayaa biyahaas uu isku celinayo?
Title: Re: SU'AAL: XILIGA GALMADA IN BIYAHA LAYSKU CELIYO?
Post by: SomaliDoc on October 16, 2016, 06:18:03 PM
Xubinta ragga oo la ceejiyo ama madaxa lagu dhago markii shahwada ay soo bixi rabo waa halis caafimaad, waxay dhaawaca gaarsiisaa tubada ibta oo xubinta ku dhex samaysan, waxayna keentaa xaalad caafimaad oo loo yaqaano "Urethral repture" ama "Urethral tear", waxay kaloo keeni kartaa in shahwadii raacdo jidkii kaadida oo dib ugu noqoto kaadi heysta, haddiise ay sidaa dhacdo dhowr jeer, waxaa yimaado xaalad caafimaad kale oo loo yaqaano "Retrograde Ejaculation", akhriso faahfaahin ku saabsan cilladaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5941.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5941.0)
Title: Re: SU'AAL: XILIGA GALMADA IN BIYAHA LAYSKU CELIYO?
Post by: Cabdalle78 on March 23, 2019, 03:13:51 PM
mahadsanid doctor,
lkn ma aha ujeedkaygu inaan xubinta qabto ama ceejiyo, lkn waxaan si caadiya u ceshanayaa biyaha intaysan tuumbada xubinta soo gaadhin anoo control samaynaya si aan hawsha cabaar usii wado, taasna waa mid aan la qabsaday in aan control ku sameeyo biyahayga oo marka aan ugu talo galo sii daayo, iyadoo aaanan wax cadaadis ah ku hayn tuumbada xubinta, markaa arinkaas dr wax cilad ah miyay igu keenaynaa?