Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on August 04, 2017, 12:45:49 AM

Title: Su'aal: Qaniinyada Kudkudaha, Ma Sun baa?
Post by: CilmiSabca on August 04, 2017, 12:45:49 AM
Asc dhammaantiin xubnaha bogga, martida iyo Somalidoc.
Intaa ka dib.
Waxaan maanta tagnay suuq xoolaha lagu iibiyo, intii aan suuqa joognay waxaa lugaha inta hoose naga qan qaniinayey bahallo hoosaad yar yar oo qaniinyo kulul, waxaanu aheyn ilaa afar qof.
Aniga iyo mid kale waxaanu dareennay cun cun aad u kulul oo dhinaca sare ee cagaha ah.
Saacaddo ka dib, markii aan ka soo tagnay suuqii xoolaha, aniga waxa aan isku arkay in ay caguhu i barareen,  qanjirrada qaarkoodna aan xanuun ka dareemay iyadoo uu cun cunkii cagahana igu sii kordhay.
Ka dib, waxaan cagaha mar mariyey Xabadtu Sowdo iyo saliid Macsaro.
Halkaan ka akhriso Xabad Sowda http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5502.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5502.0)

Halkaan ka akhriso saliid Macsarada http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3195.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3195.0) 
Waxaan kaloo saar saarey biyo kulul oo aan ku shubey koob.
Sidaas buu xanuunkii iiga ba'ay.
Su'aasheyduna waxay tahay;
Qaniinyada Kud kudaha ma sun baa?
_____________________________
KUD KUDE:- (-ha) Bahal yar yar oo Geella iyo xoolaha qaniina oo aan duul duulin, ishuna aanay fudeyd u arkeynin, muuqaalkiisa oo digada u eg darteed.
Mahadsanidiin.
Title: Re: Su'aal: Qaniinyada Kudkudaha, Ma Sun baa?
Post by: SomaliDoc on June 03, 2018, 07:36:32 PM
Kud-kuduhu waa jaad ka mid ah shilinta oo waaweyn, wuxuu keenaa xanuun qanjirrada barariya oo keeno murqo xanuun, barar, daal iyo tabardarri jirka ah, faahfaahinta ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1818.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1818.0)