Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Almuwaxid on July 12, 2015, 01:53:04 PM

Title: Su'aal: Markii aan naxo, xiniinyaha ayaan SHOCK ka dareemaa?
Post by: Almuwaxid on July 12, 2015, 01:53:04 PM
Asc ww.
Salaam kadib
Alah haidin xafido docts keena
Waxaan rabaa inan ogaado maxaa keeni kara shock aad ka dareemtid xaniinyaha markii wax jabaq xoogan aad maqashid ama isku naxdid ama sido kale aad aragtid dhiig kaso baxaaya meel, jirkaada ama qof kale jirkeed.
Taas oo hadiiba aad xaniinyaha kadareemtid.
Maxaase daawo u ah arintaas?
Title: Re: Su'aal: Markii aan naxo, xiniinyaha ayaan SHOCK ka dareemaa?
Post by: SomaliDoc on July 12, 2015, 02:30:56 PM
Waxaan jeclaan lahaa ereyga SHOCK waxa aad ka waddo in aad ii sii faahfaahisid, ma waxaa ula jeedaa koronto ahaan ama maaso in ay kaaga dhagayso, mase waa dareen kale? maxaa yeelay kalmada SHOCK siyaabo kala duwan ayaa loo fasiran karaa.
Title: Re: Su'aal: Markii aan naxo, xiniinyaha ayaan SHOCK ka dareemaa?
Post by: Almuwaxid on July 13, 2015, 08:56:47 AM
Waxaan ula jeedaa Maaso ayuu dareemaua qofka Koronto camal ma ahan
Title: Re: Su'aal: Markii aan naxo, xiniinyaha ayaan SHOCK ka dareemaa?
Post by: SomaliDoc on July 13, 2015, 05:15:11 PM
Maasada ma u gudubtaa xubinta taranka illaa foodda hore ma ka dareentaa?
Markaa xiniinyaha cadaadiso ma ku daysaa maasadaan mise way sii siyaadaa?
Qanjirrada saracda ma ku daqanadaan? Meesha qooraha iyo futada u dhaxayso ee jilicsan ma ku daqanataa markaa cadaadisid?
Maasada ma la socotaa wax kabaabyo camal ah, mise dareenka wuu joogaa?
Kaadida ma ku xanuunjisaa? Mise waxaa dareentaa raaxo badan iyo macaansi aadan horay u dareemi jirin marka aad kaadinayso?
Ma dareentaa in ay kaadida kaa soo wada dhamaanaynin ama aad u baahanaysid in aad kaadisid mar labaad adigoo mar dhow kaadiyay?

Fadlan su'aalahaas ka soo jawaab xanuunak aad dareemayso waxyaabo badan ayuu u ekaan karaa.
Title: Re: Su'aal: Markii aan naxo, xiniinyaha ayaan SHOCK ka dareemaa?
Post by: Almuwaxid on July 14, 2015, 11:02:41 AM
Baaraka allah Dr.
Dhamaan calaamadaha aad sheegtay kor kuxustay waay jiran.Kaadida way ixanuujisa inta badan markasta oon kaadsho waxan isdhahah may dhamaanin kaadida ee xoga sug wax macaansi ama raaxo ah oon kudaremayo na majiraan.
MAHADSANID
Title: Re: Su'aal: Markii aan naxo, xiniinyaha ayaan SHOCK ka dareemaa?
Post by: SomaliDoc on July 18, 2015, 02:44:08 PM
Astaamaha aad tilmaantay waxaa lagu gartaa infekshan ku dhaca qanjirka borostaatada ama "Prostate gland" waa qanjir ragga ilaahay ku abuuray oo u qaabilsan xagga ragannimada, markuu infekshan ku dhaco qofka kaadida way dhibtaa, tiirada way gaabataa kaadida, kaadida kama wada soo dhamaato, marmarka qaarne way ku hakataa, wuxuu kaloo qorka dareemi karaa dhabar xanuun iyo daal qeybta hoose ee jirka, xiniinta ama guska oo ku xanuuno ama aad ka dareento dareen sida korontada camal ah ama in ay wax kaa qanjuruufanayaan.
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan dhibaatooyinka ku dhaca qanjirka borostaatada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2119.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2119.0.html)
Waa muhiim in aad takhtar u tagtaa si laguu baaro, daawane laguugu qoro.
Haddii aad su'aalo dheeraad ah qabtid waad na soo waydiin kartaa.
Caafimaad baan kuu rajaynayaa.

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)