Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Libaan on September 25, 2009, 05:50:51 AM

Title: Qaboow-ga ama Biyaha feeraha Gala
Post by: Libaan on September 25, 2009, 05:50:51 AM
ACWW
Dhakhaatirta Somaliyed dhamaantiin meel walba aa joogtaan waxaan hawada idin soo marinayaa mahad balaaran. sida hagar la'aanta aad ugu adeegeysaan bulshada aad ka dhalateen.

sidee lagu garan karaa in uu qaboow ku galay ama biyo?
maxeeyse ku kala duwan yihiin markuu Qaboow ku galo iyo markuu Biyo ku galaan?
dhibkooda se intee buu le'ekiisan yahay?

xogaa waan xanuusanayaa
intii Ramadanka lagu jiray waxaan meeyrani jiray 3 jeer
mar galinka hore ah iyo markaan adayo salada taraqixda iyo tahajudka
masaajidka aan aadi jiray waxaa ka shidnan jiray marwaxado iyo qaboojiyayaal,
wax dhib ahna uma anan arki jirin.
inkastoo aan waqti kulul ku jirnay waxaan qadani jiray T-shirt

Eidii maalin kadib Goor maqrib ah baa waxaa i qabtay qadho saa'id ah
waxaan cunay kaniniga qandhada xogaa waan adkeysani waayay.
shukumaan baan biyo ka buuxiyay oo madaxa iyo jirka iska saaray.
adiga barkinti iyo firashki waa qoyen saan biyo iskugu shubayay.
dhididna waa iga imaaday.
adiga ilaa 24hrs qandhaas waa i heeysay
waqtigey i Qabatay waqtigeedi kale beey xogaa igayaraatay.
adiga hada wali qandhadi waa i heysaa lakiin sidii hore waa
ka yartahay ...lakiin waxaan dareemayaa in xanuunka badankiis uu
iga hayo dhabarka kala barkiisa.
marka waxaan ka baqay in uu qaboow ama biyo i galeeen
marka maxaa talo ah adinkoo mahadsan
please feedback as soon as you can :'(
Title: Re: Qaboow-ga ama Biyaha feeraha Gala
Post by: SomaliDoc on September 29, 2009, 11:42:17 AM
Salamu Alaikum

Horta caafimaadka wax qabow la yiraahdo oo feeraha galo ma jiraan, laakiin biyo, malax, dhiig iyo hawo way galaan.
Wax bukaanku oo ku kala ogaan karo majiraan laakiin wuxuu dareemayaa calaamado isla mid ah:
caburnaan, xanuun qanjaruufo oo kale ah oo gudaha feeraha laga dareemo, qandho, neefqaad iyo naqaska oo qofka ku dhego.

Si aad u ogaatid xanuunka ku hayo waxaad u baahantahay in aad dhakhtar u tagtid maxaa yeelay waxaa ku heyn karo Pneumonia "oofwareen", Pleurisy "Koolba-aaryo" ama wax kale.

N.B: Qoraalladaan akhriso
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=615.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=615.0)
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=436.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=436.0)
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=351.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=351.0)
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1970.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1970.0.html)

SomaliDoc
Title: Re: Qaboow-ga ama Biyaha feeraha Gala
Post by: Libaan on October 04, 2009, 12:39:10 AM
Shukran mar labaad
dhab ahantii  artical aad u mihiim ah oo i qanciyay baad ii soo qortay
ilaah garabkaaga ha galo.