Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: GEEDOOW on July 31, 2011, 10:56:50 AM

Title: SU'AAL: XANUUN DHABARKA QEYBTIISA UGU HOOSEEYSA AMA DISKIGA?
Post by: GEEDOOW on July 31, 2011, 10:56:50 AM
ASC WR WB .
WAXAA AAD IYO AAD II XANUUNAYA DHABARKA QEYBTIISA UGU HOOSEEYSA, LAFTA LAFDHABARKA UGU HOOSEEYA AMA UGU DANBEEYSA ILAA SINTA BIDIXDA KORKEEDA AMA DISKIGA , XANUUNKAAS WUXUU GAARAA ILAA CAJIRADA OO DHAN ILAA LUGAHA , MARKAAN JIIFO OO AAN DAMCO INAAN LUGAHA SOO LAABO MURUQA AYAA IBOODAYA AMA I GIIJISMAYA IYADOO UU WATO XANUUN AAD U DARAN , XANUUNKAAS MALA ORAN KARAA WAA NEERFO ? XANUUNKA MEESHAAS IYO NEERFAHA XIRIIR MAKA DHEXEEYN KARAA ? SIDEE AYAA LOOBAARAA SILOO OGAADA XANUUNKA UU YAHAY ? SIDEE AYAA LAGU DAAWEEYAA ? DHIBAATADA EEY KEENI KARTO MAXEEY NOQONEEYSAA ?
WAADMAHADSAN TIHIIN
Title: Re: SU'AAL: XANUUN DHABARKA QEYBTIISA UGU HOOSEEYSA AMA DISKIGA?
Post by: SomaliDoc on August 08, 2011, 08:04:01 PM
Lafdhabarta waxaa ku jiro xangullaha kaasoo ay ka farcamaan neerfaha badanaa quudiyo jirka oo dareenka iyo dhaqdhaqaaqa siiyo, haddii dhaawac uu qofka ka gaaro lafdhabarta ama infakshan uu ku dhaco sida tiibishada lafdhabarta ama uu diskiga uu booskiisa ka soo baxo waxay dhaawac gaarsiinaysaa neerfihii taasoo saameyn karto qofka dareenkiisa iyo kontoroolidda murqaha jirka weliba kuwa ka hooseeya meesha dhaawaca uu gaaray.

Dhaawaca gaaray lafdhabarta waxaa habboon in sida ugu dhakhsiyaha badan loo daaweeyo maadaama hadduu neerfaha saameeyo ay halis noqon karto in qofka uu si dhakhso ah uga soo kabsado oo weliba dhici karto in qofka uu u naafoobo.

La xiriir takhtar sida ugu dhakhsiyaha badan waxaa laguu diri doonaa raajo lafdhabarta oo ah oo lagu fahmi karo cudurrada aan kor ku sheegay, haddii dhaawac uu jiro haddii ricirrada ay isku dahwaadeen oo diski uu meesha ka maxay haddii laftu cunantay oo infakshan ku dhacay, haddii ay burburtay mid ka mid ah sabab cudur awgiis waa la fahmi karaa.

Daaweyntu waxay ku xirnaan doontaa wixii baaritaanka ka soo baxo, haddii laga gaarane way fududahay, haddii aan la daaweyn waxay keeni kartaa in aad u naafowdid arintaas darteed.

SomaliDoc