Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Maanka007 on December 30, 2015, 12:32:19 PM

Title: Su'aal: Dhagaha oo Guux ama dhawaq Hugun cml ah ka dhax shidmay!
Post by: Maanka007 on December 30, 2015, 12:32:19 PM
ASC, bahda iyo bulsho weynta soomaliyeed ee bejkan ku xiran iyo Dhaqaatirtaba, salaan kadib waxaan rabaa in aan dhaqtarka wax ka weydiiyo calaamadahan aan is ku arkay amaba ihaayo qofkale ee ka cabanayo oo looga jawabay ma arkin marka waxaan jeclaan lahaa in aan su aasheyda soo gudbiyo bulshada ku xiran bejkana ay isiiyaan fikrado Dhaqtarka ama dhaqaatirtana iisheegan waxay daawadeydu tahay iyo in aan rajo lee yahay,
Wax daawo ah oo aan qaatay ma jirto oo aan u isticmaalayo dhaga yari ( Maqal Yari ) ama dhago xanuun. Xanuunkan wuxuu ihaayaa mudo ku dhawaad hal sano ( 1 sanad ).
waxaan isku arkay dhega culeys ama hadalka qofka uu sheegayo in anaan maqli waayo mar marka qaar, waxaa dhacdo mararka qaar in aan isku jah wareerno qofka aan sheekeysaneyno amaba wax ii sheegayo.
kaliya hadalka qofka waan maqlaa badanaa laakin dhibkeyga ugu weyn wuxuu yahay qofka oo i dhibsanaayo mararka qaar marka uu wax iishegayo oo aan maqli waayo ilaa uu hoosteyda imaado oo uu hadalka ii kala dhig dhigo. guux joogta ahna waan isku arkaa.
Bes waxaa jirto hal daawo oo ( GOOJO ) ah ayaan u isticmaalay indhaha oo markaa dhib iga heystay markaana ma qabin dhago yaridan hada i heyso. sababta aan goojada u isticmaalay waxay aheyd Indhaha oo aad ii cun cuna iyo indhaha gees yahooda oo gaduuta, indhaha oo aad u moodo in ay qoryo ku dur duraayaan

MAHADSANIDIIN.
Title: Re: Re: Su'aal: Dhagaha oo Guux ama dhawaq Hugun cml ah ka dhax shidmay!
Post by: SomaliDoc on January 14, 2016, 02:41:10 PM
Guuxa dhagaha waa cillad ay keenan waxyaabo badan, waxaana laga dhaxlaa maqal yari, horay ayaan arintaan uga hadalnay ee akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1839.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1839.0.html)
Su'aalo la xiriiro arintaan oo aan ka jawaabnayne halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5783.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5783.0.html)

Markaa labadaa qoraal akhrisato haddii ay jiraan wax faahfaahin dheeraad ah oo aad u baahan tahay iigu soo dir isla halkaan.
Title: Re: Su'aal: Dhagaha oo Guux ama dhawaq Hugun cml ah ka dhax shidmay!
Post by: Maanka007 on January 29, 2016, 11:34:30 AM
intaa kadib wll waxaa igu soo cusboonaday labada dhagood midkod in ay bukato oo ay dhicaan keentay waxaa ii dheera xanuun aad u daran oo habeenada qaar iididay hurdada, xanuunka waxaan isku moojin jiray kaniinka loo yaqaan (Anti- Pain) iyo DIINSI mudo dhan ilaa iyo Afar Maalmod.

Arinta igula yaabka badan waxay tahya dhagta tan bukatay mooye mida kale si fiican wax ugama maqlo ilaa iyo markii igu horeysay xitaa marka ay bukatay mida kale wax is bedel ah ma arkin. guuxana mar mar waan ka fiicanahay, mararka qaar waa ziyaado. guuxa wuxuu yaraada mar kasto oo aan hordada kasoo tooso, kadib sidiisi ayaan u maqlaa. wll dhaqtar nooce ayaad igula talin laheyd in aan la kaashado mise dawo kale oo aad igula talineyso ayaa jirto oo aan qaadanayo. Doctor aad ayaan ugu baahi qabaa jawaabtada.

MAHADSANID.
Title: Re: Su'aal: Dhagaha oo Guux ama dhawaq Hugun cml ah ka dhax shidmay!
Post by: SomaliDoc on February 06, 2016, 04:07:13 PM
Fadlan la kaasho dhakhtar E.N.T ah.
Title: Re: Su'aal: Dhagaha oo Guux ama dhawaq Hugun cml ah ka dhax shidmay!
Post by: Maanka007 on February 06, 2016, 05:42:34 PM
Mahadsanis

 Inshaa allah wll waan la kaashan doona. :)