Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cabdicasiis on January 26, 2010, 12:22:14 PM

Title: Su'aal: Maxaa keeno madax xanuunka?
Post by: Cabdicasiis on January 26, 2010, 12:22:14 PM
asckm bacda salaan waxaan rabaa inaan idin su'aalo waxyaabaha dhaliya madax xanuunka,
nb dadbaa waxay dhahaan guur la'aanta ayaa keenta marka iga qanciya ma wax jiraa?
Title: Re: Su'aal: Maxaa keeno madax xanuunka?
Post by: SomaliDoc on February 01, 2010, 09:32:41 PM
Halkaan ka akhriso noocyada madax-xanuunka iyo waxa keena
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=298.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=298.0)

F.G: Guur la'aanta iyo madax-xanuunka iskuma xirna.
Title: Re: Su'aal: Maxaa keeno madax xanuunka?
Post by: Cabdicasiis on July 01, 2011, 10:49:19 AM
asc marka hore waad mahadsantihiin sida wanaagsan eed u qancinaysaan bulshada soomaaliyeed ilaahay ha idinka abaal mariyo intaa kadib waxay tahay qiyaasta ugu fiican ee dhiiga laga rabo inay ahaato maxay tahay? waxaan saa u leeyahay maalinbaan dhakhtar tagay anoo madax xanuun ka cabanaya marka wuxuu igu dhahay dhiigaaga ayaa saaid ah marka waxaa loo baahanyahay inaad qaar iska shubto marka idinkoo mahadsan iga soo jaahil tira arinkaas
Title: Re: Su'aal: Maxaa keeno madax xanuunka?
Post by: SomaliDoc on July 10, 2011, 08:07:34 PM
Qiyaasta dhiigga, maxaa ula jeedaa? dhiiggu waa noocyo badanyahay.

Ma cadaadiska dhiigga ayaa sarreeya? ma birta dhiigga ayaa badan? ma baaritaan dhiig kale ayaad ka hadlaysaa?