Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Fadxi2019 on January 18, 2016, 09:13:07 PM

Title: Su'aal: Qofka daawada Tb-da qaato ma samayn karaa galmo xalaal ah?
Post by: Fadxi2019 on January 18, 2016, 09:13:07 PM
Asc walaalayaasha sharafta badanow waxaan jeclaa inaad Drka waydiiyo su,aal dadka daawada tiibi qaado ma sameynkaraan wax galmo xalaal ah, yacni haddii labada qof ee lamaanaha ahi midkood daawo Tb u socoto galmo maseynkaraan. mahadsanid.
Title: Re: Su'aal: Qofka daawada Tb-da qaato ma samayn karaa galmo xalaal ah?
Post by: SomaliDoc on January 23, 2016, 01:13:35 PM
(http://somalidoc.com/Topics/qaaxogalmo.png)

Soomaalidu waxay aaminsan tahay haddii qofka daawo tiibisho qaato uu sameeyo wax galmo ah inay daawada aysan waxna u taraynin ama tayadeeda ay hoos u dhigayso ama uusan cudurka ka daaboobaynin.
Taasi ma ahan wax jira, qofka qaba cudurka Tb-da ama qaaxada waxaa lagula taliyaa inuusan samaynin galmada khaas ahaan dhowr-ka bilood ee ugu horeysa sababtuna waa laba mid:

Tiibishada laguma kala qaado galmada oo kama mid ahan cudurrada galmada la isugu gudbiyo ee waxaan ka wadaa xilliga galmada ayaa la is qaadsiin karaa, haddii labada qof ay isku neefsadaan, isku qufacaan ama isku hindhisaa.
Laguma kala qaado shumiska qallalan ee aan calyada la is dhaafsanaynin.
Akhriso qoraal ku saabsan cudurka Tiibishada / Qaaxada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,266.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,266.0.html)

Haddii qofka caafimaadkiisu ay u saamaxayso inuu galmo sameeyo, xanuunkiisane uu ka gudbay heerkii la is qaadsiin karay, wuu samayn karaa galmo welwel la'aan, wax saamayn ahne kuma lahan daawada tayadeeda iyo waxtarkeeda.

Akhriso Cudurada Galamada Lagu kala Qaado: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,245.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,245.0.html)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtaan iigu soo dira qaybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)