Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cabdulahi on December 31, 2010, 12:40:34 AM

Title: Su'aal: Shanqarta xubnaha jirka oo dhen sida lowyaha iyo gacmaha?
Post by: Cabdulahi on December 31, 2010, 12:40:34 AM
asc walal aad ayan idin salaamaya dhakhaatiirta sharafta leh salan kadib walaal waxan qabaa arintan xubnaha jirka oo dhen ayaa ishanqara marka aan dhaqaajiyo sida marka aan socdo ama aan tukanayo laalaabatoonyinka oo sameeya shanqar  xubnaha jirka oo dhen ha ubadnaadaan  cagaha iyo hoose iyo jilbaha   waxaa kale marka aan hurdo  habeenkii hurdada ayaan kasoo boodaa  iyadoo neefta jirka sixoog ah iiga soo baxayso iyada ayaana iga kicisa hurdada  oxygen ka jirka mar walal  ilaahay ha idinka abal mariyo maxaa  keena  labadaa arimood mahadsanidin
Title: Re: Su'aal: Shanqarta xubnaha jirka oo dhen sida lowyaha iyo gacmaha?
Post by: SomaliDoc on January 01, 2011, 08:20:37 PM
Shanqarta laga maqo laabatooyinka waxaa keeni kara riixa iyo roomatiisamka.
Ruugga lafta hadduu dhamaado ama adkaado ama lafaha is cunaan waxay sameeyaan shanqar la maqli karo taasoo macnaheedu tahay dareeryihii lafaha kala ilaalinayay inuu yaraaday ama dhamaaday.
Xanuunka aad sheegeyso wuxuu u egyahay roomatiisamka oo ah kalagoysyo xanuun, iyo lafa xanuun u badan subixa waqtiyada hore kadibna iska baaba'o barqadiii ama duhurradii.

Xanuunnada lafaha baabi'iya way badanyihiin waxaa ka mid ah, Lafo-beelka "Osteoporosis", Riixa "Osteoarthritis" iyo Roomatiisamka "Rheumatoid Arthritis".

Xanuunka wuxuu u badanyahay dadka ka weyn 50 sano oo buurbuuran.

Wixii macluumaad intaa dheer ka akhriso qoraalladaan hoose, lana xiriir takhtar ku taqasusay lafaha:

Kala-goysyo Xanuunka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=403.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=403.0)
Riixa iyo Burbur Carjaw-laabatada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2190.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2190.0)
Lafo Beelka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2132.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2132.0)

Su'aasha labaad waxaa keeni kara naqaska oo hurda kaa kiciya Neefta, Wadna Xanuunka ama adigoo ku hurda meel hawada ku yartahay.
Waxay ila tahay aniga in wadnaha la xariirto haddii aad leedahay cagaha oo ku barar mararka qaar, neeftuur iyo daal markaa hawl qabato ama jaranjaro aad fuusho, marmarka qaar aad yeelatid qufuc xiriir ah oo ubur wata.
Haddii aad leedahay calaamadahaas kor ku xusan la xariir takhtar guud si laguu daaweeyo, waxaa halis ugu jirtaa Hawlgab Wadne "Heart Failure".

Wax ka ogow cudurrada wadnaha:

Wadne Xanuun: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=668.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=668.0)
Wadne Gariir: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1423.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1423.0)
Wadne Qabad: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=685.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=685.0)
Hawlgabka Wadnaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=520.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=520.0)

Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah oo ku saabsan xaaladaada waad na soo weydiin kartaa.
SomaliDoc
Title: Re: Su'aal: Shanqarta xubnaha jirka oo dhen sida lowyaha iyo gacmaha?
Post by: Cabdulahi on February 24, 2011, 08:23:09 PM
asc walaal waad mahadsan tihin walaal su'aashan horay ayan idin so waydiiyey  dhaqtarna waa utagay  wax daawa ahna ma ii qorin aan ka ahayn xanuun baabi'iye ilaa sadex jeer ayan ku noqdey markii denbe dhiig ayuu iidirey hal dhiig waxuuna dhahay wax dhib ah majiraan oo baadhitaanku sheegay  xubnaha laalabatooyinka dhena way shan qarayaan iyo xanuun marmar ah waliba meesha hoose laabatada  aan qowga iyo jilbaha  shanqartase waa xubnaha dhen maxaatalo isin lahaydeen ama aad umalayneysaan  age kayga waa 27 jir ayan ahay aad ayaad u mahadsan tihin walaalayaal dhamaan asc
Title: Re: Su'aal: Shanqarta xubnaha jirka oo dhen sida lowyaha iyo gacmaha?
Post by: SomaliDoc on February 27, 2011, 09:46:36 PM
Badanaa xanuunnada kala-goysyada raaga wax daawo oo qofka kaga boodo xanuunka ma jiraan laakin la tacaalid joogto ah ayay u baahantahay sida in talooyinkaas hoos ku qoran la raaco:

In qofku cunno isku dheellitiran uu cuno
In jmicsi aad samayso si dhaqdhaqaaqa xubnaha aad joogteyso.
Haddii aad culustahay in aad miisaanka iska yarayso.
In xanuun baabi'yi aad qaadato si xanuunka uu kaaga yaraado (Takhtarkaaga kala tasho xanuun baabaiyaha kuugu habboon)
In aad leedahay takhtar aad kala xariirto xanuunkaaga si wixii kugu soo kordho lagaala taliyo.

Daaweynta laabatooyinka way kala duwanyihiin daawo ayay noqon kartaa marmarka qaarne qaliin ayaba lagu sameeyaa qofka.