Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ayman Osman on March 03, 2018, 10:29:07 PM

Title: Su'aal: Waxaan isticmaala daawada OSTEOCARE?
Post by: Ayman Osman on March 03, 2018, 10:29:07 PM
Asc dactor aad ayad u mahadsan tahiin sida ad nooga jaahil bixisaan waxyabaha aanan cilmiga u lahayn iyo dedaalka aan noogu jirtaan.

Dr wxn leeyhy uur 6months ah sida caadiga wxn cheking kusoo sameeyay xaaladayda caafimad, alx wan fcnhy waxooga dhiig yari ah mooye, baadhitanada markan maray waxa soo baxday in calceim ta ay igu yarthy oo ay thy 8.1, kadib waxa la isoo qoray dawo magaceeda la dhaho OSTEOCARE markan laba cisho isticmaalay wxn isku arkay lafo xanuun markan fadhiga ka kacayo, markan hurdo ee aan is gadinayo, markan fadhisanayo wxn dareemaya sidii in lafi i jabayso qaasatan lafaha miskaha iyo dhabarka.
Marka diktore adigoo mahadsan mxaa u sabab ayaad is leedhy imika wan joojiyay dawadii waqtigii aan dhaqtarka u laaban lahana lama gaadhin
Title: Re: Su'aal: Waxaan isticmaala daawada OSTEOCARE?
Post by: SomaliDoc on December 15, 2018, 10:56:16 PM
Inay cillad kale jirto ayaa suuragal ah ama in daawooyin kale lagula siiyay daawada Osteocare oo waxyeello aad dareentay, fadlan dhakhtarka u laabo adigoo aan sugin soo laabashada dambe.