Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Dalmarow on August 31, 2018, 09:21:52 PM

Title: Su'aal: Habeenkii oo qeybna la hurdo qeybna?
Post by: Dalmarow on August 31, 2018, 09:21:52 PM
Asc Digtoore marka hore aad ayaan kuu salaamayaa waana kuu duceynayaa Illaahay ajar iyo xasanaad aan la soo koobi karin ha kaa siiyo  wanaaga aad u qabaneysid shacbigaaaada ..
Intaa ka dib Digtoore la talin ayaan rabaa wxn ahay arday somaliyeed wxn rabaa muddo sanad innan kulliyada Computer Science isaga  dhiso..
Maalintii gelinka danbe ayaan shaqeya from 01:00pm upto 09:00pm ..
Marka waxaan goaansaday innaan 09:30pm seexdo deedna aan ka soo kaco hadduu Rabi iga yeelo 02:00am intaaa wixii ka danbeeya aan daraasada suubiyo Illaa 11:00am ..
Marka digtoore 4ama5 saac oo hurdo ah habeenkii ma igu filantahay mise dhibaato ayaan kala kulmayaaa ..
Barnaamijkana one year only waaye waana daruuri oo ma ka maarmi karo sida aan wax u baran rabana waa online study haddana sii ah selfstudy ...
Mhdsnd!
Title: Re: Su'aal: Habeenkii oo qeybna la hurdo qeybna?
Post by: SomaliDoc on February 08, 2019, 09:19:52 PM
Haddii noloshaada ay kugu qasabtay in saacadaha hurdada inaad yaraysid muddo kooban, waad samayn kartaa dad badanne way soo maraan xaaladahaas oo kale, laakiin sidiisaba dhafarka badan iyo hurdo la'aanta oo ay kuu dheer tahay fakarka iyo howsha aad ku jirtid way ku saamayn kartaa caafimaad ahaan haddii aad muddo dheer sidaa ku jirtid, ka akhriso link-gaan hoose astaamaha lagu arko qofka ay hurdada ku yar tahay iyo waxyaabaha ay keento: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6186.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6186.0)