Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Alii on May 25, 2011, 04:49:21 PM

Title: Su'aal: Xaniinyo xanuunka iyo Kacsiga badan?
Post by: Alii on May 25, 2011, 04:49:21 PM
suaaal: dadka qaar waxaan ka maqlay hadii qofku raga ah kacsigiisu bato sida dadka filimada xun xun dawada waxaa dhacaysa in biyihiisa ay fadhiisanayaa xiniinyaha kadibna ay xanuun samaynayaan hadii uusan biyaha iska saarin  arintas maxaa ka jira dr ? maxaase xidhiidh ah oo ka dhaxeeya xaniinya xanuunka iyo  kacsiga badan? thanks alot
Title: Re: Su'aal: Xaniinyo xanuunka iyo Kacsiga badan?
Post by: SomaliDoc on May 29, 2011, 10:06:50 PM
Markii raggu kacsadaan, xidida halbowlayaasha "Arteries" geeya dhiigga xubnaha taranka way weynaadaan, meesha xididada arooriyaasha "Veins" ee dhiigga ka soo qaada xubnaha taranka ay cariiriyoobaan.

Tan waxay keeneysaa in aysan isla socon dhiigga soo galaya iyo dhiigga ka baxaya qooraha iyo guska labadaba, waxaa arintaan eebe ugu talagalay in xubintu ay ku kacdo qulqulkaan dhigga ku soo aruuray, xaniinyahane ay ku shaqeeyaan, tan waxay keeneysaa in xaniinyaha ay bararaan oo cabbirkooda uu bato 25% ka badan cabbirkoodii hore.

Haddii qofka kacsiga kadib biyo-baxo, xidadii "halbowlayaasha" iyo xididadii "Arooriyaasha" waxay ku soo laabtaan sidoodii caadiga ahayd, dhiggiina wuxuu ku laabtaa jirka intiisa kale, xubintii way dantaa, qoorihina way yaraadaan.
Haddii biyo-bax uusan dhicin, qulqulkii dhigga wuu soconayaa inta qofku uu ka dareemo xanuun iyo culeys qooraha ah oo laga yaabo qofka xitaa inuusan kaadin karin.

Badanaa raggu waxay arintaan kaga nafisaan inay galmoodaan ama siigeystaan si cadaadiska saaran xaniinyaha uu u yaraado, xaaladaan maahan mid u gaar ah ragga oo dumarka haddii ay xaaladaan ay qabsato waxay xanuun ka dareeman miskaha.

Haddii aadan samayn labadaas xal mid ka mid ah, xanuunka wuu iska baaba'aa waqti kadib, wax dhib ahne uma gaysto xubnahaaga taranka.

Waxaa kaloo la sheegaa in haddi xaaladaan ku qabsato lagu xallin karo in aad wax culus qaaddo ama aad jimicsi neefsi ah aad samayso kaas oo loo yaqaanno "Valsalva Manouver".

Waxaan rajaynayaa in jawaabtaan ay ku kaafin doonto.
Title: Re: Su'aal: Xaniinyo xanuunka iyo Kacsiga badan?
Post by: Abdikani on May 30, 2011, 04:58:47 PM
dhaqtar adigoo raali ah kacsiga badan waxa keena iyo sidee layskaga yareeyaa?.
Title: Re: Su'aal: Xaniinyo xanuunka iyo Kacsiga badan?
Post by: SomaliDoc on June 05, 2011, 06:51:31 PM
Kacsiga badan waxaa keena hormoonnada u qaabilsan kacsiga oo sarreeya waxaana la isaga yarayn karaa adigoo guursada, haddiii aadan awoodinne qaado talada rasuulka nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato oo ahayd "In aad soontid".