Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Zubeyr on December 26, 2010, 06:44:22 PM

Title: SU'AAL: MAXAA KEENA BIYAHA KA DANBEEYA KAADIDA?
Post by: Zubeyr on December 26, 2010, 06:44:22 PM
ASC DR: WAXAAN KU WEYDIINAYAA 2 SU,AAL MID WAA MARKA AAN KAADINAYO WAXAA SOO RAACA KAADIDA KAGADAAL MINI EE MAXAA KEENA MINIDAAS MAXAANSE ISKAGA DAAWEEYAA MAXAANSE KA FOGAADAA SI,AYSAN IIGU SOO LAABAN     TAN KALE MARKA AAN DOONAYO GALMADU INAYSAN KA HORMARIN WAKHTIGEEDA AMA AYSAN KA HORMARIN 10 DAQIIQO IYO WAX LAMID AH MAXAAN KU XAKAMEEYAA DEGDEGA SI AYSAN IIGA IMAAN MINIDU IN KA YAR 3DAQIIQO 
Title: Re: SU'AAL: MAXAA KEENA BIYAHA KA DANBEEYA KAADIDA?
Post by: SomaliDoc on December 27, 2010, 07:42:01 PM
A: JAWAABTA 1-AAD:
Biyaha yimaado markii qofku kaadida dhameeyo waxaa keeni kara laba waxyaalood:
Haddii biyaha ay yihiin kuwa cad oo aan laga aqoon biyaha manida waxay ka timaadaa qanjirka ragga (Borostayt-ka) taasoo markii qofku jiiranayo uu qanjirka cadaadismo kadibna ay timaado manidii horay ugu jirtay.
Waxay biyahani badanaa yimaadaan markii qofku saxaroonayo ama uu in badan fadhiyo kadibna kaadiyo, fikradane waxay tahay in qanjirka borostaytka uu caabuq hayo kaasoo loo yaqaano "Congestive Prostatitis" oo uu bararo kadiban markii qofku jiirto (saxaro ama kaadiba) qanjirii cadaadismo saana ay ku timaado biyo aan laga aqoon biyaha manida.

Haddii biyaha ay yihiin biyo calow / casuur ah oo aan nadiif ahayn waxay calaamad u tahay cudurro dhowr ah oo laga qaado galmada sida: Jabtida, Chlymedia IWM.

Halkaan ka akhris qoraallo dhowr ah oo ka hadlayo cilladaan:

Caabuqa Qanjirka Ragga:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2119.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2119.0.html)

Bararka Qanjirka Ragga:
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1105.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1105.0)

Shahwo timaada saxarada kadib:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2631.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2631.0.html)

Kaankarada Qanjirka Ragga:
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=749.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=749.0)

Cudurrada Galmada lagu qaado (STDs):
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=245.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=245.0)

Jabtida iyo Daaweynteeda:
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1030.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1030.0)

Kalameedia:
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1040.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1040.0)

Waraabow/Isfiilito:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1339.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1339.0.html)

Galmada Ammaanka ah:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2846.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2846.0.html)

B: JAWAABTA 2-AAD:
horay ayaa looga jawaabay su'aashaan ee halkaan ka akhriso:

Biyo-bax dagdag ah:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2121.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2121.0.html)

Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah waad na weydiin kartaa.
SomaliDoc