Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Maskaxda => Topic started by: SomaliDoc on March 08, 2008, 10:44:19 PM

Title: Sidee loo baaraa xanuunnada maskaxda?
Post by: SomaliDoc on March 08, 2008, 10:44:19 PM
Dadka ku takhasusay xanuunnada maskaxdu waxay u kala qaybiyaan jirrooyinka maskaxda qaybo kala duwan.
Baritaanku waxuu ka caawiyaa dhakhtarka inuu ogaado daawada fiican iyo inuu saadaaliyo waxa suuro galka ah inay dhacaan. Tani nafis bay u noqon kartaa qofka isku buuqsan si uu ogaado waxa khaladan.

Si kastaba ha ahaatee, baaritaanku xadbuu leeyahay. Waayo aragnimada qof kasta uu u yeesho isku dar daran xagga maskaxda ah waa mid u gaar ah si khaldan baana loo akhrisan karaa, gaar ahaan haday jiraan farqi xagga dhaqanka, bulshada ama diinta oo u dhexeeya dhakhtarka iyo bukaanka.

Qofbaa laga yaabaa inuu ka helo natiijooyin kala duwan dhakhtarro kala duwan oo jirradiisa baara. In si fudud uun la isaga abbaaro
calaamadaha muuqda uun waxay noqon kartaa in aan qofka iyo xaaladdiisa guud ahaan ahmiyad loo siin. Khibraddoodu waxa laga yaabaa
inay micno u leedahay taasoo barista caafimaadku aysan gaari Karin.

Khatar kale waxay ka iman kartaa markii uu baaritaanku noqdo calaamad la iskaga dhejiyo qofka, tusaale ahaan, intii qofka loo arki lahaa waalid, makaaniko, qoraa ama arday qaba xanuun maskaxeed, waxa laga yaabaa in qofka loo arko "wax waalan"? sidii oo baaaritaankaasi uu yahay gabogabo kama danbays ah.

Waxa muhiim ah in la xasuusnaado in baaritaanku aysan ahayn inuu asal u noqdo nolosha qofka oodhan, waxuu noqon karaa qayb yaroo ka mid ah qofka taariikhdiisa ama shakhsiyaddiisa.

Waxa laga yaabaa in si buuxda looga raysto xanuun xagga maskaxda dad badanina wayba raystaan. Mararka qaarkood dadku waxayba ka soo baxaan khibraddaas iyagoo into hore iskala wayn qaarna way soo dhaafaan dhibka intiisa badan laakiin xanuunka khatar bay ugu jiraan wuuna ku soo noqnoqdaa.

Dhakhaatiirta maskaxdu si sugan uma saadaalin karaan waxa qof kasta uu ku danbayn doono. In laga raysto xanuunnada maskaxda intooda badan waa suuro gal, nasiib darro dadka qaarbaa loo sheegaa inaysan raysan Karin. Hadallada noocaas waxay noqon karaan waxa bukaanku sugayay waayo waxay ku sii qancinayaan rajo la’aantii uu qabay..

Waxa muhiim ah inaan marnaba la is dhiibin wax kasta ha laguu sheegee.

1- Waa maxay xanuun maskaxeed? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=785.0)
2- Sidee loo baaraa xanuunada maskaxda?
3- Noocyadee bay xanuunnada maskaxdu yeelan karaan? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=791.0)
4- Waa maxay sababaha keena maskax wareerku? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=795.0)
5- Sidee buu nidaamka caafimaadka maskaxdu u caawin karaa? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=817.0)
6- Maxay asxabtu iyo qaraabadu samayn karaan si ay kuu caawiyaan? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=824.0)
7- Sidee baan u hagaajin karaa caafimaadkayga xagga maskaxda? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=826.0)

Wixii su'aalo aad qabtid halkaan ku weydii
Title: Re: Sidee loo baaraa xanuunnada maskaxda?
Post by: Toldo on March 08, 2008, 11:41:23 PM
 aad bad ugu mahadsantahay somalidoctor informationkaas aadka uqimaha badanaad ka bixisay mawduucas
aniga waxan ahay laboratorist , waxana rabay inan ku waydiyo ? shaybaristayasha somalia jogo baa qaar igu yidhi waxad no soo radisa qalab lagu baadho curiyayaasha chemical ka ah mid uu ku jiro curiyaha LITHIUM ? oo ay dhaheen dhakhatiirta psychiatristiga ah ayaa badana u so dira in laga baadho qofka maskaxda ka xanunsan ? marka lithium iyo cudurkan maxay clinical significane ay wadagaan ? hadii aad igu dhaantid cilmigas aan kaa faaiideyste ...

aad ban ku salamaya s.c wr wb.
Title: Re: Sidee loo baaraa xanuunnada maskaxda?
Post by: SomaliDoc on March 10, 2008, 04:00:01 PM
Walaal Toldo waa su'aal aad u fiican.

Lithium Carbonate waxaa loo isticmaalaa daawo ahaan, waxaana lagu daaweeyaa cudurka "Niyad Jabka" iyo "Niyad Kaca" oo isla jira loona wada yaqaano (Bipolar disorder).

Maadaama daawadani ay tahay daawadii ugu horeysay ee la soo saaro uguna waxtar fiican ee lagu dajiyo niyadda (Mood Stabilizer) waxay leedahay mushkilad halis ah oo hadii aan laga fiirsan qofka si dhakhso ah ku dili karto.

Markii laga hadlayo cilmiga daawada waxaa jiro wax loo yaqaano (Therapeutic Index) oo ah: farqiga u dhaxeeya qadarka daawada lagu bogsoodo iyo qadarka daawada ay helis ku noqon karto qofka.

Lithium waxa uu ka mid yahay daawooyinka farqi aad u yar u dhaxeeyo qadarka qof ku daawoobi karo iyo qadarka qof uu ku dili karo (Very Narrow Therapeutic Index), taasoo keensanaysa qofkii daawadaan isticmaalaya in si joogto ah loo baaro, hadii aysan jirin baaritaan noocaan ahne aan qofkaba la siin daawadaan helista ay leedahay awgeed.

Sidaa darteed qofka qaadanaya daawadaan waa inay sida saxda ah u dhaxeysaa 0.4 to 0.8 mmol, taasoo ah farqi aad u yar lana iska ilaaliyaa inay ka badato 0.8 - 1mmol.

Waxaan filayaa inaad sidan ula jeeday su'aashaada.

SomaliDoc
Title: Re: Sidee loo baaraa xanuunnada maskaxda?
Post by: Toldo on March 11, 2008, 03:45:38 PM

 Aaad baad u mahadsantahay somalidoc , intii aan doonayayna si fiican ban u fahmay ? iyo qiyaasta maadada lithiumka la yidhaah sababta loogu bahanyahay in la baadho bay ahayd su'ashayda jawaab fican oo kaafi ahna wad ka bixisay thank u again somalido.