Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdikani on March 31, 2011, 11:33:11 AM

Title: Su'aal: cunug 7 bilood jira olive oil dhegta malooga shubi karaa?
Post by: Abdikani on March 31, 2011, 11:33:11 AM
asalamu calaykum waxan u mahad celinaya dhaqaatiirta. su'asheda cunug 7 bilood jira olive oil dhegta malooga shubi karaa
Title: Re: Su'aal: cunug 7 bilood jira olive oil dhegta malooga shubi karaa?
Post by: SomaliDoc on April 02, 2011, 06:50:46 PM
Saliid Zaytuunka "Olive Oil" waxaa loo adeegsadaa in dhukeyga dhagaha looga dhadiifiyo kaliya ee looma adeegsado wax kale.
Haddii cunugga uu dhukay nagaha xiray waad u adeegsan kartaa waxaadna ku shubaysaa 1 illaa 2 dhibcood subixii iyo habeenkii.
Waxba dhegta ha galin iyadaa iska soo bixinayso qashinka markii ay milmaan.

Caruurta haddii ay ka yaryihiin lex bilood waxaa laga mariyaa dhagta qeybteeda dibadda ah adigoo adeegsada suuf.

Saliidda "Olive" waxaa habboon marka aad isticmaalayso in waxoogaa yar ay qandacisantahay.

Saliidda qunbadane waa la adeegsan karaa.

Haddii aad dooneyso in aad u sitcmaasho wax kale la xiriir takhtar caruur.
Title: Re: Su'aal: cunug 7 bilood jira olive oil dhegta malooga shubi karaa?
Post by: Abdikani on April 03, 2011, 07:21:30 PM
mahadsanid doctor